|

Hargeysa: Cabashooyin degi waayay oo sababay dib-u-tirinta codadkii doorashada

Hargeysa 8, December 2012 (SDN)- Guddiga Doorashooyinka ayaa go’aamiyay in la hakiyo natiijadii doorashada degmada Hargeysa, ka dib cabashooyin degi waayay oo ka yimi ururada, murashaxiinta iyo xisbiyada qaarkood.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Eng. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Ciise-Xamari) oo duhurnimadii maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay inay hakiyeen natiijada doorashda Hargeysa oo habeen hore lagu dhawaaqay, taasoo dhalisay rabshado dhiig ku daatay oo taageerayaasha Xaqsoor iyo ciidanka amnigu iskaga hor yimaadeen.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in arrintan ay iska arkeen xisbiyada iyo ururada siyaasadda, isla markaana ay Komishan ahaan go’aamiyeen in dib loo tiriyo natiijada doorashada degmada Hargeysa.

Komishanku waxa uu sheegay in khaladaad fara badan oo doorashada ka soo baxay ay sabab u tahay in diiwaangelin la’aan lagu galay doorashada, isla markaana ay adag tahay oo ayna diyaar u ahayn in doorasho dambe qaab diiwaangelin la’aan ah lagu qabto.

Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in tirada guud ee degmada Faraweyne ay laba jeer gashay xogta doorashada ee kambuyuutarka lagu kaydiyay, taasina ay ka mid tahay khaladaadka waawayn ee qaybta ka ah in dib loo tiriyo natiijada doorashada, inkastoo aanay arrintan xaqiiqadeeda ka hadlin Guddiga Doorashooyinka Qaranku.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed