|

Hargaysa oo uu ka Furmay Shir hawleed ku saabsan Xeer nidaamiyaha Xukuumada

Hargaysa 10.October 2013 (SDN)-Garyaqaanka guud ee Qaranka Md Ibraahin
Iidle saleebaan ayaa maanta furay kulan hawleed ku saabsan xeer
nidaamiyaha Xukuumadda.

kulankan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayna ka qayb
qaadanayaan agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo maareeyayaasha
hay’adaha dawladda ayaa ku saabsan sida loo nidaaminayo xeerka
xukuumadda.

Garyaqaanka guud ee Qaranka Md Ibraahin Iidle saleebaan oo furitaankii
kulankaasi  ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xeer nidaamiyahani ka
dhashay khudbad sanadeedkii Madaxweynaha Somaliland uu ka jediyey
fadhigii labada gole baarlamaan ee sanadkan, halkaasoo uu madaxweynaha
Somaliland ka ballanqaaday in xeerkani oo kala xadayn doona
mas’uuliyiinta qaranka iyo shaqooyinkooda la samayn doono,iyadoo
hagaajinta iyo isku dubbaridka xeerkan loo xilsaaray xafiiska
garyaqaanka guud iyo wasaradda Madaxtooyada.

wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga Md Bashiir cabdi Xariir oo
isna ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in xeerkani qaabilsan yahay
dacwadaha ay xukuumaddu jeediso uuna yahay xeer muddo dheer la sugayey
dhowaana loo gudbin doono golaha Xukuumadda.

Md xariir waxa uu faahfahiyey xeerka nidaamiyahu uu yahay mid seeska u
dhigaya dhismaha dawladnimo adag, isla markaana kala cadayn doona
shaqooyinka iyo waajibaadka wasiirada iyo wasiir ku xigeenada.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada Md Maxamuud Axmed
Barre (Garaad) ayaa isna hadal uu kulankaa ka jeediyey waxa uu sheegay
in xeerkani muhiimad weyn u leeyahay qaranka kulankana lagaga doodi
doono xeer nidaamiyaha xukuumadda.

SDN-Hargaysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed