Hargaysa oo uu ka furmay Kulan lagu Magacaabay Mashruuca Rajo abuurka dhalinyarada dalka
Hargaysa 28.Nov 2013 (SDN)- Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha waxbarashada iyo tacliinta sare iyo dhalinyaradda ciiyaaraha iyo dalxiiska ayaa maanta si wado jir ah uga qaybgalay kulan loogu magac daray mashruuca rajo abuurka dhalinayarada dalka .
Agaasimaha guud ee tacliinta sare ee wasaartada waxbarashada iyo tacliinta sare Md Khader Axmed Diiriye oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay ku taageerayaan ururka dhalinayarada SODRA mashruuca rajo abuurka dhalinayada kasoo baxaday dugsiyada sare ee dalka si ay wax uga bartaan jaamacadaha dalka .
Agaasimaha oo ka waramay sooyaalka waxbarsho ee dalka ayaa xusay in maanta dhalinayardu ay haystaan fursado waxbarasho oo ka badan tii xiliyadii hore dhalinayardu ay heli jireen.
Agaasimaha Guud ee wasaarada ciyaaraha ,dhalinyaradda iyo dalxiiska MD Maxamed Axmed {dhabeeye} oo kulankaasi ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay xukuumad ahaan ay wadaan sidii dhalinyaradda dalka looga joojin lahaa Aafada tahriibta ,waxaanu tilmaamay inay ka wasaarad ahaan ay wadaan sidii ay usamayn lahaayeen meelo aad uqurxoon oo ay carruurtu ku ciyaaraan.
Agaasimaha guud ayaa si mug leh ula dardaarmay dhalinyaradda dalka inay iska ilaaliyaan waxyaabaha dhalanteeka ah ee marin habaabinaya dhalinayarada dalka jooga , kuwaas oo ay ugu horeeyaan muuqaalada sawirada ay dhalinayarada tahriibatay soo dhigaan shabakadaha warbaahinta waxaanu inaa ku daray in ay ogaadaaan muhuumada iyo qiimaha wadanku u leeyahay muwaadinka islamrkaa qarankani uu yahay mid ku timi nafo ay u hureen geesiyaal ujeeadadoodu ahayd in jiilka danbe uu ku noolaado nolol xoriyad ah .waxaanu gabagbadii dalka la aamino islamrkaa laga midho dhaliyo sidii fursado shaqo looga abuuri lahaa dalka taasoo hadii loo dhabar adaygo laguna garab istaago xukuumada dadaalada shaqo abuur ee dalka ka socda la helayo fursado shaqo.
Gudoomiayaha ururka dhalinayarada sodra md axmed maxamed shaqale oo ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay mashruuca ay ku taageerayaan dhalinayada dalka kaasoo uu u ku tilmaamay mid kor loogu qaadayo dhalinayada awoodi wayaday sii wadashada waxbarshada jaamacadaha dalka oo boqolkiiba afartan ay kaga bixinayaan fiiga jaamacadaha , waxaanu ugu mahad celiyay qurba jooga ku dhaqan dalalka yurub iyo waqooyiga ameerika kuwaas oo kaalin mug leh ka qaatay mashruucan iyo sidoo kale maamulka jaamacada ALPHA.
Gabagabdii waxa kulnkaasi ka hadlo mahad naq iyo dardaaran ah kasoo jeediyay marwo khadara kaliil cabdi, xubno ka mida qurba jooga yurub , salaadiin iyo qaar ka mid ah aradayda mashruuca ka faa iideysatay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com