|

Hargaysa oo Maanta Golaha Deegaanka Sheffield Looga Mahadceliyay SAWIRO

Hargaysa 10.April 2014 (SDN)- “Waxa aanu u mahadnaqaynaa Golaha Deegaanka Sheffield, Aqoonsiga ay Somaliland siiyeen (We Thank Sheffield Council for the Recognition of Somaliland)” qoraalkaasi waa mid ka mida hal ku dhig-yadii ku xardhanaa goobta Xaflada lagu qabtay.

 

Maanta waxa Caasimada Somaliland ee Hargeysa laga dareemayey Dhaq-dhaqaaq xoogan, kaasi oo la xidhiidha Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Mansor Hargeysa oo u jeedadeedu ahayd in taageero xoogan loo muujiyo Golaha Deegaanka ee Sheffield City Council oo ah Golihii ugu horeeyey ee aqoonsada Somaliland taageerana la barbar istaaga gooni isu taaga Somaliland.

taasi oo ka markhaati kacaysa sida ay caalamku ugu dhegtaagayaan Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay in ay Jamhuuriyada Somaliland u aqoonsadaan Dal madax-banaan oo ku soo biira Wadamada la aqoonsan yahay.

 

Waxa maanta halkaasi si qiiro wadaninimo ku dheehan tahay Hadallo uga soo jeediyey kuna tartamay Jaaliyadaha Somaliland ee ku kala nool Wadamada yurubta oo mid waliba balan qaaday inuu noqon doono ka ku xiga Sheffield in kasta oo kuwo badaniba ay qireen in ay iyagu ahaayeen kuwa hogaaminaayey ee islahaa cidiba idinka horayn mayso balse ay ka hormartay Sheffield una hambalyeey Jaaliyada Reer Sheffield ee geesinimada ka muujisay Wadanka Inigiriiska.

 

Xafladan maanta lagu qabtay Mansor hotel oo ay ka soo qaybgashay Marwada Koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo Xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Wasaaradda  Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka ku xigeenka Qorshaynta, Mudane, Xasan Daahir Dhinbiil Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, Xildhibaano Madax-dhaqameed, Xisbiyada Mucaaradka iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

 

Madashan oo ahayd mid ay ka muuqdeen Calamada Wadanka UK iyo Ka Somaliland oo ay dadweynihii goobtaasi isugu yimid luxayeen, jawigana ka dhigtay mid Qurxoon oo dadweynihii isugu yimid dib u xasuusisay 1960 kii markii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii ingiriiska ee Somaliland ka talin jirtay wakhtigaasi, balse jawigan maanta ayaa noqonaaya mid xasuustiisu tahay in Wadanka Ingiriiska Gole ka mid ihi intuu shir ka yeesho qadiyada Somaliland uu weliba ku dhawaaqo gooni isu taaga Somaliland, waana ta keentay in Shacbiga Somaliland ay xusaan maanta go’aankaasi geesinimada leh.

DSC_0213 DSC_0215 DSC_0216 DSC_0224 DSC_0228 DSC_0232 DSC_0236 DSC_0244 DSC_0246 DSC_0249 DSC_0255 DSC_0262 DSC_0264 DSC_0268 DSC_0276 DSC_0279 DSC_0282 DSC_0290 DSC_0297 DSC_0306 DSC_0314 DSC_0324 DSC_0327 DSC_0342 DSC_0344 DSC_0352 DSC_0355 DSC_0357 DSC_0361 DSC_0366 DSC_0372 DSC_0390 DSC_0401 DSC_0407 DSC_0418 DSC_0423 DSC_0428 DSC_0430 DSC_0437 DSC_0439 DSC_0443 DSC_0450 DSC_0452 DSC_0467 DSC_0475 DSC_0479 DSC_0484 DSC_0497 DSC_0502 DSC_0510 DSC_0512 DSC_0517

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed