|

Hargaysa oo lagu soo Gabo gabeeyay Shirkii wada Tashiga labada Wadan iyo Qodobada laga soo saaray oo Mugdi badani ka Muuqdo una Xaglinaya danaha Itoobiya

Hargaysa 01.May (SDN) Shirkii Iskaashiga Wadamada Somaliland iyo Itoobiye ee Mudada Labada Maalmood ahayd ka socday Huteel ambassador ayaa caawa la soo gabo gabeeyay isla markaasna laga soo heshiiyay qodobo taabanaya Arrimaha Dhaqaalaha,Isu socodka,Ganacsiga iyo amaanka.

Shirkan oo ay Goob joog ka ahaayeen Wufuud ka kala socota labada Wadan waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga C,salaan Cabdi Cige oo ka Waramay faa’iidada Shirkan oo Wejigiisii labaad ahaa waxa uu Xusay in laba bilood kadib la sii ambo qaadi doono hirgalinta waxyaabihii la isku afgartay.

Fikru Tadase oo ah agaasimaha Fulinta ee Wasaarada Ganacsiga ee dawlada Federaalka itoobiya oo madashaasi ka hadlay ayaa ugu horayn u mahadnaqay dawlada Somaliland iyo soo dhawayntii ay u sameeyeen weftigooda isla markaana xusay in la soo tusay qaybaha kala duwan ee madaarka iyo dekeda berbera oo muhiim u ahaa arrimaha lagaga hadlayay Shirka .

Mas’uulkani waxa uu sheegay in dawlada Itoobiya ay aad u danaynayso in Shanta sano ee soo socda ay isticimaasho dekeda berbera 30% alaabooyinka ay dhoofinayso iyo kuwa ay soo dejisanayso .

Fikru waxa uu tilmaamay in la fududeeyo Cashuurta alaabooyinka ganacsi ee isaga gudbaya labada wadan la fududeeyo,in laga wada shaqeeyo in ganacsiga labada wadan u dhexeeya uu noqdo mid Sharciyaysan si musuq maasuqa loola dagaalamo,agaasimaha fulinta Wasaarada Ganacsiga ee Itoobiya waxa uu intaas ku daray in Gaadiidka ay leeyihiin Muwaadiniinta reer Somaliland ee Sifada Sharci darada ah ku galay Itoobiya kuna jira gacanta dawlada Itoobiya in Mudo bil gudaheed ah labada dhinac kaga wada hadlaan qaabka ugu fudud ee loo sii dayn karo.

Sarkaalkani Waxaa kale oo uu Sheegay in laga wada hadlo Maxjar laha dhisayo Magaalada Jig jiga, waxaanu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay in deeqaha Waxbarasho ee Itoobiya ay siiso somaliland loo saari doono gudi ka shaqaysa oo labada dhinac ah.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah Mawliid Maxamed Ibraahin oo sheegay in heshiisyadani ay kor uqaadayaan iskaashiga labada dal ee itoobiya iyo somaliland waxana uu intaasi ku daray in heshiisyada marba marka ka danbaysa la sii horumarin doono.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo gunaanadkii Shirkaas ka hadlay ayaa mahadnaq u soo jeediyay Wufuuda labada dhinac ee mudada labada maalmood ah kulankan ka qayb qaadanayay isagoo ku amaanay dadaalka ay sameeyeen gaar ahaana ergada ka socotay Wadanka itoobiya oo uu ku sifeeyay ka ugu muhiimsan ee Wadamada Jaarka la ah Somaliland Sida Iskaashiga dhinacyada Xuduuda,Isu Socodka,Ganacsiga waxaanu ku tilmaamay inay tahay albaabka ay somaliland u marto caalamka wasiirku waxa uu xusay in himilada somaliland ee Ku wajahan arrimaha Gobolku ay tahay sidii loo heli lahaa Wadamada Mandaqada oo nabad ah iyo in Badeecooyinka ay isu gudbaan .

Wasiirku waxa uu sheegay baahida loo qabo in dalalka Mandaqadu ay iskaashi ka yeeshaan arrimaha nabadgalyada,ganacsiga,waxbarashada iyo amaanka.

Dr Sacad Cali Shire waxa uu intaas ku daray inay ku rajo weyn yihiin Guul laga gaadho qodobadan la isku afgartay.

Waxaana markaas kadib Qallinka lagu duugay qodobadii labada dhinac isku afgarteen oo uu dhinaca Somaliland u saxeexay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga C,salaan Cabdi Cige halka uu dhanka Itoobiyana u saxeexay Fikru Tadase oo ah agaasimaha Fulinta ee Wasaarada Ganacsiga ee dawlada Federaalka itoobiya.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed