Hargaysa oo lagu soo Gabo Gabeeyay Kulan lagaga Hadlayay Mashruuca Horumarinta Dawladaha hoose iyo Qodobo la isla qaatay
Hargaysa 08.May (SDN) Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Ka Shaqeeya Mashruuca Horumarinta Degmooyinka ee loo soo Gaabiyo JPLG ayaa maanta Waxa uu Shir ugu Soo Gabo Gaboobay Huteel Ambassador ee Caasimada Hargasya.
Kulan hawleedkan Waxaa ka soo Qayb galay Xidhitaankiisii Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta,Agaasimayaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, iyo Maayarada Todobada Degmo ee Ka faa’iidaysta Mashruucan.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdi-samad Cumarr Maal oo Xidhitaankii Shir hawleedkan oo Mudo Sadex Cisho ah socoday ka hadlay ayaa u mahad celiyay hay’adaha caalamiga ah ee Ka shaqeeya Mashruucan iyo Qaadhaan bixiyayaasha Waxa uu Agaasimuhu Xusay in la isla qaatay in Waxqabadkii la fulin lahaa Labada Sanno ee 2012 iyo 2013 la dhamaystiro Sannadkan,in la helo Shaqaale u tababaran fulinta barnaamijkan,Qorshaynta Qaab dhismeed uu yeelanayo Mashruuca Horumarinta Dawladaha Hoose.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Guduhu Mr Maal waxa uu kula dardaarmay Maayaradii Kulankan ka qayb qaadanayay oo ka kala Socda Boorama,Gebilay,Hargaysa,
Maayaradii Kulankaas ka qayb qaatay ayaa iyana dhinacooda waxay Iftiimiyeen Arrimihii ay ku Guulaysteen Mudo Boqol Cisho ah Gudahood, Waxaa kale oo ay Tilmaameen Qaabka ay u dabaqayaan Mashruucan oo Wejigiisii labaad Geli doona .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com