Hargaysa oo laga xusay Cidhib tirka Xanuunka isku furanka Haweenka
Hargaysa 23.May (SDN) Xuska maalinta Cidhibtirka xanuunka Fastuulaha oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka kala socotay wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ayaa maanta Lagu qabtay Huteel Imperial ee magaalada Hargeysa.
Drs, Edna Aadan Ismaaciil maamulaha Isbitaalka Edna Maternity Hospital ee magaalada Hargeysa oo xafladaasi ka hadashay ayaa waxa ay ku dheeraatay dhibaatada uu xanuunka isu furanku ku hayo Haweenka . Waxaanay sheegtay in isbitaalkoodu uu lacag la’aan ku daaweeyo haweenka uu xanuunkaasi la soo derso.
Waxa kale oo Ay Edna Aadan Ismaaciil, tilmaamtay in xanuunkaasi Fastuuluhu uu ka mid yahay xanuunada sida fudud loo daweyn karo,taas darteedna ay lagama maar-maan tahay in haweenku marka ay dhibaatadaasi la soo deristo ay isbitaalada tagaan. Iyada oo sheegtay in ay balan qaadayaan inay lacag la’aan ku daweyn doonaan.
Gebagebadii xuskaas oo ay ka qaybgaleen saraakiil ka kala socotay wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada waxa lagu soo bandhigay Riwaayad ka tarjumaysa dhibaatada uu leeyahay xanuunkaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com