Hargaysa: Muwaadin Dhabarka u ritay Quudinta In ka badan 500 oo Qof oo Dhimirka ka Xanuunsanaya
Hargaysa 12.July 2015 (SDN/QJ)- Muwaadin reer Somaliland oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen oo ku magac dheex (Maxamed Jagac), kaasi isku xilqaamay urur Samafal oo la yidhaa (Sancaani Fundation),kaas oo sannadkiisii Afraad oo xidhiidh ah Cunto Bisil iyo Biyo Caasimadda Hargeysa gaadhi kula wareega uguna qeybiya dadka dhimbirka ka Xanuunsan iyo waliba kuwo kale ee Suuqyadda dhexdooda Gaajadda la dhaqaaqi kari waaya, waxaanu ka waramay sababta ku kaliftay Barnaamijkaasi Cunto qeybta ah Cida ka taageerta iyo Baaq ku dayasho oo uu diray Dawladda, Turjaarta iyo ganacsatadda dalku inay dariiqa Samafalka ee uu jeexay ay kaga daydaan oo dadkooda Sadaqada ugu yaraan ugu deeqaan oo siiyaan.
Guddoomaha Hay’adda dadka Dimbirka ka Xanuunsan Cuntadda Bisil u qeybisa ee (Sancaani Fundation) ee Maxamed Xuseen (Jagac) oo Wargeyska Saxansaxo shalay Wareysi kula yeeshay isaga oo ku sugan goobaha uu Dadka Dhimbirka ka xanuunsan Cuntadda Bisil ugu qeybiyo, waxa uu sheegay in uu mudo badan ka soo shaqeynaayey hawshan oo Hargeysa guddaheeda uu Afartii sanno ee u dambeeyey ka waday Cunta qeybta, waxaanu sheegay in uu ku hamiyaayo in uu gadho meel uu qof kasta oo Baahiyi hayso uu wax tari karo, waxaanu baaq guubaabo ah u diray dhamaan dhinacyadda Dawladda,Turjaarta, Ganacsatadda iyo cid kasta oo ALLE wax siiyey inay raacdo dariiqa uu jeexay ee Samafalka dadka baahan iyo inay gacan ka geystaan hawshaasi Kheyriga ah ee uu ku gudo jiro.
Su’aal. Maxa kugu kalifay in aad Barjaamijkan Cuntadda aad ugu qeybineyso dadka Xanuunka Dhimbirka la nool bilawdo ?
-
“Walaal magacaygu waa Maxamed Xuseen oo ku magac dheer Maxamed Jagac, waxa uu Ilaahay I garan siiyey in aan aasaaso urur la yidhaahdo (Sancaani Fundation) waa urur Samafal ,kaasi oo u adeega dadka dhimbirka wax ka qaba ee Caasimadda Hargeysa ama Somalilanba waxaanan u qeybiyaa Cunto Bisil bishan barakeysan ee Ramadaanta iyo maalmaha kale ee ay baahan yihiinba, Ilaahaybaana I garan siiyey, imikadda aan kula fadhiyo waad aragta kana an hada u dhiibay Cuntadda ee Cunayaa waa adoon Ilaahay oo tabaaleysan oo Maskaxda ka xanuunsan waana midaan sidan oo kale u Quudinaayey ilaa Ramaddaanadii hore oo hada Saaxiib ayaabanu nahayba, marka walaal inagu isma xukuno ee Ilaahay ayaa ina maamula oo Adoomihiisa haga oo dadka uu Khayr siinayana wuu siiya ka uu Shar siinayana gacanta ayuu u geliyaa , marka waxaan filayaa waa deeq Ilaahay I siiyey”
Su’aal, balk a waran Lacag ayaa ku baxaysa iyo Kharash Cuntaddan aad Magaaladda Gaadhiga ugu dhexqeybineyso dadkan u baahan ee dhinbirka ka xanuunsan yaa kaa caawiyo ?
Ja. Walaal Kharashan aniga ayaa markii hore bilaabay oo hindisay markii dambena umaddaasi Islaamka ee Khayr doonka ah kii $500 oo dollar soo diraaya iyo kii $100 dollar soo diraaya iyo kii $1 Dollar soo diraaya dhamaan umadda Islaamku waa igu taageertay arintan Khayriga ah iyaga oo daahafa dunida kala jooga , balse ilaaha hada aniga ayaa inta ugu badan bixiya , marka anigu qurbo-joog ayaan ahay London-na waan dega nahay hadase Hargeysa ayaa reerkaygu yaala oo aan inta badan deganahay,”
Su’aal. Goorma ayaad bilawday Barnaamijkan aad Masaakiinta Maskaxda ka xanuunsan ugu qeybineyso Cuntadda Bisil ?
Ja. Imika barnaamijkan si toos ah I bilaabay oo waday mudo afar sannadood ka horna waan sameyn jiray, oo halkan waan deganahay hargeysa oo Caruurtayda ayaa degan , waanan imaada inta badan halkan ayaan wakhtiga ku qaata Habeenkii iyo Maalintiibana waan u qeybiyaa Dadkan ILaahay ii diray Cuntadda”
Su’aal. Ilaa imisa goobood oo Caasimadda Hargeysa ka tirsan ayaad Cuntaddan ugu qeybisa dadka aad Cuntadda Bisil ku Quudiso ?
-
Waxaan dhiga meelo badan oo farasmahaagala Caasimadda hargeysa meelahaasi oo ah halka aan ay u badan yihiin dadka Dhimbirka waxka qaba ama tabaaleysani meelaha ay ku badan yihiin, waxaana ka mid ah Meelaha aan Cuntadda u dhigo dadkaasi Shirkadda SBI ee geele Arab horteeda Biriishka socodiisa oo ah Huteel Hadhwanaag hortiisa, Dhakhtarka weyn hortiisa, Shirkadda Telesom horteeda waan udhiga , runtii Branchs badan ayaan Hargeysa dhexdeeda ka sameystay oo dad ayaa khayrka iyaguna shaqeysta oo yidhaahda noo dhiib 20 Xabo oo cuntaddan Safaarigareysan iyo 20 Xabo oo Biyo moorgareysan ah aanu u dhiibno Masaakiintaasi markay soo maraan hortooda”
Su’aal. Ma magaaladda Hargeysa ayuumbaad ku qeybisa Cuntadda aad dadka u baahan ugu tabarucdo ee Bisil mise Goboladda wax ayaad gaadhsiisa, laakiinse ilaa halkee ayaad u socoda in aad barnaamijkan taakuladda ah gaadhsiiso ?
-
Runtii imika Barnaamijkaygu hargeysa ayuumbu ka shaqeeyaa oo aan ka hawlgala cuntaddana ku qeybiyaa oo awooda ayaa na xalilaysa, balse waan jeclahay in aan dhamaan goboladda Somaliland ka wada hawlgalo oo barnaamijkan wada gaadhsiiyo , hadase wali ma hayo in cid barnaamijkan ila balaadhisa oo ila gacan qabato oo waxaad mooda dawladda iyo Kombaniyadda waa weyn ee Ilaahay wax siiyeyba in aanay wali u soo jeesanin arintan oo diyaar u aheyn inay wax iga la qabtaan, waxaanay iila muuqata in ilaa qof kasta aad tiisa u yeesho in aanu diyaar u aheyn in uu hor ALLE wax u bixiyo”
Su’aal. Dadka Tijaarta ay ee ALLE Hantidda iyo Maalka Siiyey iyo kuwa sidaada Qubo-jooga ahba maxaad fariin u diraysaa inay kaaga daydaan ama kugu biiriyaan Barnaamijkan aad wado ?
-
Walaahi horta marka runta la sheego dadka Qurbo-joogu way ka wanaagsan yihiin kana deeqsisan yihiin markay noqto xaga tabarucaadka dadkeena Taajiriinta ah ama wax haysta ee dalka gudihiisa jooga, waayo markay ka arkaan Warbaahinta dad baahan ama hawsha aanu ku jirno dadkaasi Qurbo-googa ahi $50 Doolar ee ay hayaan way soo dhigaan, oo $100 Dollar ee ay hayaan way soo dhigaan , laakiin xagan dalka gudihiisa xata waxa aakhiro u tegilahaa waxaad mooda dadkeenu inay aduunyadda uga lexejeclo badan yihiin, marka waxaan doonayaa in aduunyadda wixii aakhri iiga raacilahaa ay noqoto taakuladan aan dadkii ku haboona gaadhsiinaayo, waxaanan ugu baaqilahaa Dawladda, Ganacsatadda iyo Tujaarta iyo cid kasta oo shillin ku tarsan karta arintani waa gurmad ee inay ka qeybqaataan oo loo kala hadhin, anigana qorshahayga iyo halka aan u socda waa meel kasta oo qof Dhimbirka waxka qaba ama Baahani joogo dawlad kasta iyo deegaan kasta oo Somaliyeed ha noqde in aan gaadhsiiyo dedaalkayga bani’aadamnimada ah, waayo dadka Dhimbirka ka xanuunsan uun Cuntadda ma siiyo ee xata ka aan arko inay gaajo hayso iyo Caruurta iyo dadka dada ah ee u baahan Dariiqyadda iyo meela aan ku arko waan u dhiiba Cuntadda Bisil iyo Biyahaba intaasi maanta ay igaga daydaan Shirkaddaheena waa weyn ee Ilaahay Deeqda Lacagta iyo Hantiddaba u dhiibayna waa wax meesha ku jira oo umaddooda dariiqyadda gaajadda la wada diidaysa waa ku waajib anigu waxba magacaabi maayo shirkad ama Kombani gaar ah ee waxaan leeyahay dariiqa aan diin jeexay waa idiin furan yahay oo waynu wada mari karaa oo waa laydiinka baahan yahay ee soo dhawaada”
Xigasho. Wargeyska Saxansaxo