Hargaysa: Macallin Ardaydii uu Wax soo Baray Ku Abaal mariyeen inay u dhisaan Dugsi Casri ah
Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):- C.laahi Muuse Qaalib Waa Mid ka Mid ah Shakhsiyaadka Aqoonta Somaliland iyo dhismaheeda Kaalinta Muga leh ka soo qaatay Isla markaana soo saaray Barbaar Cilmiga aqoonta xambaarsan.
C.laahi Muuse Qaalib Wuxuu si qoto dheer u faahfaahiyey Sooyaalkiisii Nololeed iyo Kii Taariikheed iyo Waxqabadkii uu Bulshadiisa u fidiyey Iyo Weliba Qaabkii uu uga faa’iideeyay aqoontii ay Mudada dheer soo baranaysay.
Aqoon yahay C.laahi Muuse Qaalib Waxaa lagu soo Xushay doorka uu kaga Jiro Kobcinta Waxbarashada Somaliland Isagoo Sannadkii 1994kii Furay Dugsiga Abu Hurayra oo Ilaa iminka Shaqeeya Kaas oo Barbaartii uu Wax soo barayna ay Maanta ka Shaqeeyaan Qaybaha kala duwan ee Qaranka Somaliland.
Waraysi Dhinacyo badan leh oo uu C.laahi Muuse Qaalib Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim ayuu ku sharaaxay Waxqabadkii uu Ummadiisa u sameeyay.
Ugu Horayn Rashiid Sulub Caalin ayaa C.laahi Muuse Waxa uu weydiiyey Halkii uu ku dhashay iyo Xiligii uu dhashay Waxaanu Aqoon yahan C.laahi Muuse Qaalib kaga Jawaabay “Waxaan dhashay 1954 Waxaanan ku dhashay Degmada Faraweyne ee Gobolka Marooji Jeex”
C.laahi Muuse Waxaa kale oo uu ka Jawaabay halkii uu ku soo barbaaray iyo Meelihii uu wax ku soo bartay isagoo yidhi “Waxaan ku soo barbaaray Magaalada Arabsiyo oo Malcaamada qur’aanka aan ka galay Sannadkii 1966kii Waxaan iskuulka bilaabay 1967 Waxaanan ka bilaaabay Dugsiga Arabsiyo,Sidoo kale Dugsigii Sare Waxaan ku soo qaatay Magaalada Burco,Dhinaca Jaamacadaha Laba ayay ahaayeen mid waxaan ku soo qaatay dalka Somalia oo Shahaadada Digriga ah ta kalena dalka Hindiya ayaan ku soo qaatay oo ah Shahaadada Master-ka’’
C.laahi Muuse Qaalib Waxaa kale oo uu ka hadlay Shaqooyinkii uu soo qabtay iyo Waayo aragnimadii uu ka dhaxlay Waxaanu Yidhi “ Shaqooyinkayga iyo Khibradayduba Macallin-nimo ayay u badnayd,Jaamacadii hore waxaan dhameeyay 1980kii Xiligaas Jaamacada ayaa Fasal kasta ka qaadan jirtay labada arday ee u sareeya oo ay ka dhigi jirtay Macalimiin, Kuwaas oo geli Jiray Tijaabo laba Sanno ah halkaas ayaan ka bilaabay markii hore Waxaan Jaamacadaas wax ka dhigayay Mudo Lix Sanno ah Markaa kadib ayaan tegay Jaamacadii Labaad oo ku taala dalka Hindiya “
Aqoon yahan C.laahi Muuse Waxaa kale oo uu Jawaab ka bixiyey Wixii uu ka Qabtay Tacliinta amase Waxbarashada dalka Waxaanu Yidhi” Waxaan is leeyahay Wax aad dadka dheer tahay ma Jirto Laakiin Shakhsi ahaan waxaan isku Xilqaami jiray inay ardaydu wax bartaan,hadii laga tagi waayo waxaan is leeyahay waxaad ilaalin jirtay Wakhtiga Xiisada loogu talo galay anigoo ka Taxadiri Jiray Googoys iyo Wax la mid ah,Waxaa kale oo aan ardayda ku baraarujiyaa Wixii dhinaca Kitaabka Qur’aanka ee u baahan in Sharaxa Xiisada ay ardaydu ku fahmaan Waan isugu Badhxaa runtii, balse wax kale oo aan dadka dheerahay ma jirto ayaan filayaa”.
Rashiid Sulub Caalin ayaa Weydiiyey Cabdilaahi Muuse Qaalib Su’aal Nuxurkeedu ahaa in Dugsigiisa ardayda ku jirta ee uu wax baro ay yihiin Wiilal Qudha iyo Sababta ay Habluhu uga Maqnaadeen waxaanu kaga Jawaabay “Dhisme Kooban ayaan ku bilaabay Dugsiga Wiilasha ayaa soo dheerayn Jiray,Sidaa awgeed Habluhu meel ay fadhiistaan may heli jirin, hada oo dugsigii la dhisayna Wiilashii ayaa buuxiyey laakiin waxaa ilaahay Mahadii ah in Sannadkan la bilaabay Meel Hablaha u Gaar ah”
Dhinaca Kale Wuxuu C.laahi Muuse ka hadlay Su’aal ku saabsanayd in ardaydii uu Wax soo baray ee ka soo aflaxday ay u dhiseen Dugsigii oo qaab casri ah loo habeeyay Iyagoo abaal marin uga dhigaya hannaankii Wanaagsanaa ee uu Wax u soo baray waxaanu yidhi “ Ilaahay ayaa Mahad leh marka xiga waxaan u ducaynayaa ardaydii Iskuulka ka baxday oo Markii ay dhameeyeen Waxbarashadii oo Shaqo tageen ila soo xidhiidhay waxay yidhaahdeen iskuul ayaanu dhisaynaa ana waan ka aqbalay iyaga iyo Waalidkoodba waan u ducaynaynaa Waayo Wax Kharash ahi aniga igama gelin dhismaha Iskuulkan, waana wax lagu farxo”.
Aqoon yahan C.laahi Muuse Waxaa kale oo uu Xogwarankiisa kaga hadlay Xiligii uu Aasaasay Dugsiga Abu hurayra,Tirada ardayda ka baxday,Waxyaabaha la yaabka leh ee soo maray iyo inay Jiraan Wax Caqabad ah oo la soo dersay Waxaanu Yidhi ‘’ Waxaan Fasalkii u Horeeyay bilaabay Sannadkii 1994kii iminka Tiro koob ma hayo Laakiin Waxaa Sannadkii ka Bixi Jiray ilaa Boqol arday hasa yeeshee ma Jirto Wax Carqalad ah oo iga hor yimid,Balse Waxyaabaha Mucjisada ah ee aan la Kulmay Waxaa ka Mid ah Qof ayaa Lacag ii keena aanan aqoon Wuxuu Yidhaa Waxaa la iiga soo dhiibay Waddan hebel Tusaale ahaan Yurub oo Kale Markaan idhaa yaa Kuu soo dhiibay ayuu ii sheegaa Arday ka mid ah Kuwii aan Wax soo baray’’.
C.laahi Muuse Waxaa kale oo la Weydiiyey Waxa uu ku doortay inuu Macallin noqdo Waxaanu ku Halceliyey oo yidhi ‘’Markii aan ardayga ahaa waxaan ku fikiri Jiray inaan Macallin noqdo,anigoo ku dayanaya Macallimiin Wanaagsanaa oo Wax noo dhigi Jirtay Mararka qaarna Macalimiintii Wax I soo baray ayaa ii diri Jiray Fasalada Markaas Xiisada Cidii u dhigi lahayd ay ka maqan tahay’’