|

Hanti dhawrka Qaranka oo sheegay inay Gabo gabo ku dhaw dahay baadhis ay ku Wadaan Wershada laydhka ee Berbera

Berbera 4.March.(SDN) Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Maxamud Cabdi Aw Ibraahin iyo Saraakiil ka tirsan hanti dhawrka Qaranka ayaa maanta Kormeer Shaqo ku tagay Magaalada Berbera iyagoo hawlgal baadhitaan ka wada Wershada Laydhka ee Magaaladaasi.

Hanti dhawraha Guud ayaa Ujeedada Socdaalkooda ku tilmaamay Sidii ay u soo gabo gabayn lahaayeen Hawl gal baadhis ah oo ay ka Wadeen Wershada Laydhka ee Magaalada Berbera,”Waxaad Ogaydeen in Hanti Dhawrka Qaranku uu Mudooyinkii u danbeeyay ku guda jiray baadhis uu ku samaynayay Wershadaha Laydhka ee Magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera,Hadaan eego Xaga Hargaysa waanu soo dhamaynay,  hasa yeeshee Magaalada Berbera oo ay Weli noo socoto baadhistii ayaan ku talo jirnaa inaan gabo gabayno”.

Hanti dhawraha Guud waxaa kale oo intaas ku daray inay sixi doonaan wixii maamul ah ee dhaliili ka muuqato ee Warshada laydhka ee magaalada berbera

Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Maxamud Cabdi Aw Ibraahin  waxa uu Sheegay in dhawaan Shirkadaha laydhka ee Gaarka loo leeyahay ay kordhiyeen Qiimihii adeega Korontada ee bulshadu u baahnayd waxaanu meesha ka saaray in kuwa dawlada aan waxba lagu kordhinayn .

Geesta kale mar hanti dhawraha la weydiiyay inay wax baadhis ah ku samaynayaan Laamaha Dawlada ee Gobolka Saaxil ayaa Xusay in Socdaalkoodu uu ku kooban yahay oo keliya Wershada laydhka ee magaaladaas.

Berbera SDN.

contact@somalidiasporanews.com.

Comments are closed