|

Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo Maanta Golaha Wakiilada u Gudbiyay Xisaab Xidhka Laba Miisaaniyad Sanadeed

Hargaysa 04.April  (SDN) Hanti dhowraha guud ee Qaranka Md Maxamuud aw Cabdi ayaa maanta golaha wakiilada siiyey warbixin ku saabsan Xisaab Xidhka miisaaniyad sanadeedkii 2010 iyo 2011

Hantidhowrka guud waxa uu warbixintiisa ku sheegay in miisaaniyaddii ku talogalka ahayd ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen ay ahayd sadex boqol iyo Toban Bilayan, labo boqol iyo sagaal iyo konton milyan, Boqol iyo Kow iyo toban kun, todoba Boqol iyo afar Shilin Somaliland ah, xilli uu dakhligii soo xeroodayna uu ka badnaa miisaaniyaddii ku talogalka ahayd.

Md Maxamuud Aw cabdi  oo ka hadlayey dakhliga korodhka miisaaniyadda ayaa sheegay inuu korodhku gaadhayey Labaatan Bilyan Lix boqol iyo Konton Milyan Afar boqol iyo Lix iyo Sideetan Kun Sagaal Boqol iyo sadex iyo Labaatan. Iyadoo cashuuraha sanadkaasina ay kala ahaayeen cashuurta isticmaalka, cashuurta wax soo saarka, cashuurta alaabta iyo cashuurta dakhliga hantida dawladda.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed