Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo ka waramay baadhis ay ku hayaan Wershada Korontada ee Caasimada hargaysa .
Hargaysa 02.Feb.(SDN)
Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Muxumed Aw Cabdi Maxmaed ayaa markii u horaysay ka hadlay baadhis ay ku wadaan Warshada Korontada ee Caasimada Hargaysa.
Hanti dhawraha oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Wershada Korontada ayaa saxaafada kula hadlay xarunta Wershadaas ee Caasimada Hargaysa.
Hanti dhawraha Guud ee Qaranka ayaa tilmaamay inay maalmaahanba hawl gal baadhitaan ku wadeen Wershada Korontada isla markaana ay ilaa haatan si fiican wax ugu socdaan,waxa uu intaas ku daray in hawl galkoodani uu yahay Mid ay ku baadhayaan Xisaabaadka iyo toosinta arrimaha Maamulka .
Geesta kale Agaasimaha Waaxda Korontada ee Wasaarada Hawlaha Guud Axmed Maxamed Aadan ayaa dhiniciisa ka sheegay in loo soo igmaday hawsha Maamulida Wershada Korontada inta ay baadhistu socoto isagoo intaas ku daray inay ilaa iyo haatan hawlaha shaqo ee Wershadani si wanaagsan u socoto.
Hawl galka baadhitaanka ee Hanti dhawrka qaranku ka wado Wershada Korontada ayaa maraya Mudo laba bilood ah iyadoo Shaqadii laga joojiyay Maareeyihii iyo ku Xigeenkii Wershadaas.
Hargaysa SDN.