Hanti-dhawraha oo ku noqday Dawladda Hoose ee Hargeysa oo cidlo ahayd
Hargeysa 1,Apr.2014(SDN) -Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Maxamuud Dheere ayaa shalay mar kale ku noqday Golaha Deegaanka Hargeysa si uu ula kulmo Madaxda Golaha Deegaanka, hase yeeshee waxa uu shalay kala kulmay iyadoo ay cidlo tahay xarunta Dawladda Hoose.
Hanti-dhawraha Guud oo gaaf-wareegay xafiisyada Maayarka iyo Ku-xigeenka ayaa ka laabtay kadib markii loo sheegay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa in ay tageen Meher ka dhacayey Hotelka Ambassador oo uu lahaa Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon, kaasoo ay ka qayb galeen dhamaan Golaha Deegaanku.
War-fidiyeeno ku sugnaa xarunta Dawladda Hoose oo Hanti-dhawraha weydiiyey ujeedada uu labada maalmood ugu soo noq noqday Golaha Deegaanka ayaa ku gaabsaday in uu dhawaan ka hadli doono, isaga oo aad moodo cadho in ay wajigiisa ka muuqatay.
Dhinaca kale, Ilo wareedyo u dhuun daloola dacwado iska soo horjeeda oo ka dhaxeeya Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Madaxii hore ee waaxda Qorshaynta Dawladda Hoose C/laahi Ubax ayaa sheegay in Ciidanka danbi baadhista C.I.D-du ka wadaan dawladda Hoose ee Hargeysa.
Dacwadahan iska soo horjeeda ayaa la sheegayaa in Golaha Deegaanku ku Eedaynayaan C/laahi Ubax in uu six un u maamulay dhul Dan guud ahaa iyo wadooyin la xidhay, halka C/laahi Ubax-na ku doodayo in ay Golaha Deegaanku kula kaceen Hanjabaado isla markaana u food saaraynayo rasaas lala beegsaday oo uu ka badbaaday.
C/laahi Ubax oo uu shaqada ka joojiyey Maayar C/raxmaan Maxamuud Caydiid waxa la wareegay Wasaaradda Hawlaha Guud, talaabadaas oo ka dhex qarxisay Dawladda Hoose iyo Hawlaha Guud dagaalkii Digreetooyinka la isku adeegsaday, kaasoo wali ka dhex aloosan labada Hay’adood.
Si kasta ha ahaatee, illaa hada lama oga Baadhista Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku halka ay salka ku hayso.
Xigasho: Waheen