Hanjabad Hor leh oo ka soo yeedhay Xarakada Alshabaab iyo Cabsi gelinta Cid kasta oo dawlada Somalia
Muqdisho 10.Nov 2013 (SDN)- Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa hanjabaad kulul u diray Madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo cid walba oo gacan siisa dowladda.
Afhayeenka dhanka Howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inaysan shaqo kale laheyn oo aan aheyn ugaarsiga Madaxda Dowladda iyo raga kale ee dowladda ku jira.
Abuu Muscab, wuxuu sheegay inay u taagan yihiin sidii ay udhaafin lahaayeen aduunyada raga Dowladda ku jira meel waliba oo ay galaan ayuu sheegay inay ka daba tagi doonaan oo ay ku dili doonaan.
Hadalka Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab, ayaa imaanaya, iyadoo habeen hore Muqdisho ay ka fuliyeen Shabaab weerar noociisa uu yahay mid gaari loo adeegsaday, kaasi oo ka dhacay Hoteelka Maka Al-Mukarama afaafkiisa.
Ciidamadda Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay wuxuu jab xoogan kasoo gaaray dagaalo ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo qaraxyo khasaaro xoogan u gaystay dadka shacabka ah iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo Beesha Caalamka ay ka dhaceen magaalooyin dhowr oo ku yaala Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com