Hambalyo ku socota ardeyda ka qalin-jebisey Jaamacada Burco iyo Talooyin ku wajahan Xukuumadeena
Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan ardeydii dhameysatey Jamacada burco waalidiintood, macalimiintoodii iyo cidii kasta ee ka gacan geysatey in ay ardeydaasi ay dhameystaan waxbarashadoodii jaamacadeed, taas oo ay ugu horeeyaan gudida jaamacada oo dadaal badan muujiyey sanadahan danbe.
Waxaan ardeyda qalin-jebisey leeyahay maanta laga bilaabo idinka ayey masuuliyadu indin saaran tahay ee ma saarna waalidkii idinku soo tabcey ee heerkaa jaamacadeed idin soo gaadhsiiyey,waxaana aan idinkula talinayaa qodobadan hoose:
1- Waa in aad Ilahay (SWT) aa talada saarataan sidii aad mustaqbalka shaqo wanaagsan iyo mustaqbal fiican u heli laheydeen
2- Waa in aad kalah-daan oo aad la timaadaan hamad badan iyo da-daal dheeraad ah iyo karti ku jihaysan sidii aad mustaq-balkiina u -miiqi lahaydeen ugana midho-dhalin lahaydeen aqoontii aad soo barateen ee aad ugu shaqeysan laheydeen.
3- Waa in aad la timaadaan niyad adag iyo adkeysi aad kaga midho dhalisaan caqabadaha cakiran ee Shaqo la’aanta ah ee idin horyaala iyo duruufaha siyaasadeed ee dabin isu maleega ah ee maanta ay S/land dul hoganeso.
4- Waa in aad sameysataan goobo aad ku kulantaan iyo Email groups aad isku weydaarsataan waayo -aragnimadiina iyo waayihiina si aad u yeelataan xidhiidh joogta ah oo ku wada xidhiidhaan oo danahiina kaga tashataan isuna kaashataan.
5- Waa in aydaan cidna u dabo fadhiisan wixii aad mudada dheer soo baraneyseen ee idinka marti la idiinka noqdaa siina korodhsataan laakiin aad koox-koox isugu tagtaan oo tijaabisaan aqoontiina idinka oo la kaashanaya kolba cidii aad u aragtaan in ay idiin dhego nugushahay ama wax idinku kordhin karta kaalmo iyo kartiba.
6- Waa in aad ka xaragootaan oo iska ilaa lisaan wixii xun oo dhan oo ay ugu horeyso Tahriibta iyo Qabyaalada oo dib inoogu soo noqotey waayadan danbe gaar ahaan magaalada Burco.
7- Waa in aad ku dadaashaan in aydinaan cidna shaqo ka sugin ee aad idinku shan-shan iyo toban-toban aad isku kaal-meysataan si aad shaqo-u-abuurataan ( self-employment) kuna bilowdaan wixii yar ee aduun ah ee markaa aa heli kartaan.
8- Hadii aad u fiirsataan 4-ta Taajir ee Somaliland ugu lacagta badan waxaa la isku raacey in aan midna tijaaradiisa aanu debeda ka soo xoogsan ee ay aamineen beledkeena yar ee barakeysan ee inoo riman ee u baahan uun inta tacab la geliyo kadibna dib looga dhaliyo oo loo maalo oo looga midhidho-dhaliyo.
9-Waa in aad isku daydaan in hayadaha dawlada iyo kuwa madaxa banaanba aad bilaash ( Voluntary ) aad ugu shaqeysaan si aad waayo aragnimo u heshaan taariikh- nololeed-kiinuna ( CV) ay mustaqbalka u soo Jiitaan shirkadaha waa weyn iyo cid alaaleh iyo cidii shaqaale u baahan wadanka gudihiisa iyo debadiisaba.
10- Waxaad u-soo babac dhigteen duruufuhii adkaa ee ku gedaamnaa waxbarashadiinii aad mudada dheer soo wadeen waxaana aan idiin rajeynayaa mustaqbal wanaagsan camal wanaagsan ,cimri dheer, cibaado alleh iyo guul. waarta. Amiin-Amiin Amiin.
Higsiga lagu gaadhi karo himilooyin iyo horumar qaran, hayaan socod iyo haykal wacan oo la taaban karo waxay mar walba ku xidhan tahay hadba heerka aqoonta dhalinyarada ee wadankaa iyo sida loo hawl geliyo ee looga faa’ideysto xoogooda dihin, maskaxdooda cusub, aqoontooda iyo tiknolojiyada cusub. Hadaba nasiib daro waxaa xukuumadii Siilaanyo ku fashilantay in ay abuurto barnaamijyo shaqo abuur ah, si loo xaliyo shaqo la’aanta ragaadisey haldoorkii dhalinyaradii Somaliland . Waxaana marag madoonto ah in haba yaraatee aan xukuumadu shaqooyin la taaban karo aaney u-abuurin dhamaan dhalinyaradii ka soo kala qalin jebiyey sanadkan 17- ka Jaamacadood iyo 80-ka dugsi sare ee Somaliland ku yaala, ku waas oo hada dhalinyaradu gaadhayaan ilaa iyo Kumaan- Kum dhalinyaro ah oo jaah-wareersan oo aan Jiheysneyn ahna xoog baaridey iyo aqoon dhitowdey oo xukuumadii luli waydey oo u baah-naa in la-lulo oo dalka iyo dadkaba looga faa’ideeyo iyagana shaqo loo abuuro oo la hawl-geliyo.
1- Waa in ay masuuliyiinta dawladu ka xishoodaan oo aaney la iman munaasabadaha qalin-jebinta mikirifoonada beenta ku-adima ee looga bartey iyo hadalada aan mariimneyn ee aan macnaha badan laheyn ee ay la yimaadaan madasha qalin-jebinta, waxaa looga baahnaa in hawlwadeenada dawladu la tagaan goobta qalin jebinta mashaariic shaqo abuur, talo, tilmaan, tamar iyo tacab wax-u-tara muwaadiniinta dhaliyarada ah ee duruufaha adag ku soo dhameystey waxbarashadoodii ee ay mareyso uun Hoo , Hiil iyo Shaqo oo keliya ee aan u-baahneyn hadal iyo hawraar afka baar-kiisa ah.
2-Waa in ay xukuumadu la timaadaa iyadoo hayadaha caalamiga ah la kaashaneysa bar-naamijyo gacan-qabsi ah si ay dhalinyaradaa qalin jebisey ay ugu fududaato sidii ay iyagu aqoontooda uga faa’ideysan lahaayeen ee ay shaqooyin ugu abuuran lahaayeen.
3- Waa in ay xukuumadu ugu yaraan sii saa dhalinyarada qalin jebisey hal wareeg oo taba-bar ku saabsan sida shaqada loo doonto ama loo abuurto ( employbility programme or self emloyment programme ) iyo talooyin ku saabsan dariiqooyinkii loo mari lahaa ama loo abuuran lahaa shaqooyinka yar-yar oo ganacsi ah (self-employment)
4- Waa in xukuumadu siyaasadeeda iyo miisaaniyadeeda ku darsataa sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada Jaamacadaha wadanka ka qalin jebiya si xal loogu helo shaqo la’aan ba’an ee ragaadisey guud ahaan hal doorkii dhalinyarada Somaliland loona hiiliyaa aqoonta oo loo furaa dhalinyarada daaqadihii rajada ee mustaqbalkooda si loo yareeyo Tahriibta ay miciinka moodayaan iyo shaqo la’aanta ku baahdey da’yarta S/land.
5- Waa in xukuumadu la timaadaa sharci iyo bayaan ay dhalinyarda qalin jebisaa ay bilaash (voluntary) ay kaga shaqeeyaan dhamaan hayadaha dawlada oo dhan iyo weliba shirkadaha waa weyn ee maxaliga ah ee madaxa banaan si ay dhalinyaradu waayo aragnimo ay ku shaqo-tagaan ay uga he laan hayadahaa iyo shirkadahaa xoogooda dihina looga faa’deysto.
6- Waa in ay xukuumadu hirgelisaa balan qaadkeedii afka baarkiisa ahaa ee ay ku balan qaadey in ay hirgelinayso Mashruucii Gurmadka Qaranka ama ( National Services) si dhalinyarada faraha badan ee dhameysa dugsiyada sar- sare ee Somaliland sanadkan ay camal iyo waayo aragnimo uga dhigtaan loogana faa’ideysto xoogooda dihin iyo aqoontoodaba.
7-Maanta bulshada reer Somaliland 65% waa dhalinyaro 30 jir ka yar oo aan jiheysneyn oo ay taabatey duufaanada iyo duruufaha siyaasadeed ee is-dabo yaaca ah, eexda iyo qaraabo kiilka xadhkaha goostey ee xukuumadani ku caan baxdey,musuq-maasuqa iyo qabyaalada duluca furatey iyo shaqo la’aan baahsan oo iswada barkan, Taas oo dhaxalsiisey dhalinyaradii fursad la’aan,camal la’aan iyo rajo la’aan baahsan oo niyada ka jebisey sabab teyna in ay badaha isku biimeeyaan oo tahriib khatar ah ay naftooda ku biimeeyaan oo tacabkii waalidkoodiina uu khasaare noqdo, markii ay wadankii iyo xukuumadiiba ay quus iska taageen ee balamihii loo qaadey oo dhan laga ga baxey.
8-Waa in la sameeyaa mashaariic iskaa wax uqabso ah (National Youth Voluneering Programme) si ay dhaliyaradu u bartaan xirfadihii ay ku shaqo tegi lahaayeen mustaq balka ee ay u-heli lahaayeen waayo aragnimo shaqada u- fududeysa mustaqbalka oo ay ku mashquulaan camalna uga dhigtaan.
9- Muran kuma Jiro in Somaliland la siiyey deeqdii ugu badneyd abid ee la siiyo gaar ahaan Wasaaradaheeda ay arintani khuseyso sida Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, deeqahaa oo u bilaabantey Wasaaradda Waxbarashadda sanadihii October 2012 – 2013 ilaa hadana ay deeqihii sii badanayaan. Sidaa daraadeed waxaa xukuumada looga fadhiyaa in ay ficil iyo farsamo shaqo abuur ah oo deg-deg la timaado oo u bilowdo dhalinyaradaa camal la’aantu ragaadisey.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba leh,
Wehelkiin -Waa -Alleh iyo Nebi ( scs )
Wa-Laahum-Aclam-Waa bilaahi Tow-fiiq
Waa Qalinkii : A/Rahman Fidhinle
Intensive Education ED PA
United Kingdon
London