Halkee ayuu ku dambeeyay mudaharaadkii ay ku baaqeen Mucaaradka Somaliland
Dad badan ayaa weli is waydiinaya meesha uu ku dambeeyay mudaharaado iyo dibad-baxyo waawayn oo ay ku baaqeen Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland oo ka kooban xisbiyada Waddani iyo UCID, iyadoo aanu xogo kala duwan aanu ka helnay meesha ay wax marayaan.
Mucaaradka Somaliland ayaan ka tanaasulin mudaharaadka ka dhanka ah xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ee ay ku baaqeen, balse waxa ay wadaan abaabulkii ugu xooganaa iyadoo ay jiraan kooxo kala duwan oo ay u kala xil saareen gobolada iyo magaalooyinka waawayn ee Somaliland.
Dhawaan ayuu Gudoomiyaha Xisiga Waddani wax ka bedel ku sameeyay Garabka Dhalinyarada ee xisbigiisa, iyadoo wax ka bedelkaasi qayb ka yahay abaabulka dibad-baxyada oo xisbiyadu ay xooga saarayaan in dhalinyaradu si wayn uga qay qaadato dibad-baxa lagaga soo hor jeedo xukuumadda Muuse Biixi.
Dhanka kale, waxa jira gudiyo ay magacaabeen xisiyadu oo ku hawlan abaabulka mudaharaadka kuwaas oo la rabo in aanay ku koobnaanin labada xaafadood ee ay ku xoogan yihiin xisbiyada Mucaaradku balse magaalada oo dhan laga dhigo dibad baxyada.
Warbaahinta Qurbejoog waxay ogaatay in aamusnaanta mucaaradku ay tahay xeelad iyo wakhti ku haboon oo ay la eeganayaan dibad baxa si uu u noqdo mid saamayn leh. Masuul ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa noo sheegay “in ay qorshayaan in mudahraadku noqdo mid balladhan, taasina u baahan tahay diyaar garow badan”
Si kastaba ha ahaatee, booliska Somaliland gaar ahaan taliyaa ciidamada booliska oo kasoo jeeda bariga Hargeysa ayaa ku hanjabay in ay tallaabo ka qaadi doonaan cidii mudaharaad isku dayda, tallaabdaas oo u muuqata mid isku-dhac abuuri karta.