“Halkani goob colaadeed ma aha xabadina kama dhicin oo la iskuma dilin,waxanu Nimi Inaanu reero isku dhacay oo Tobaneeyo qof ku kal a dhinteen dhex galno”Wasiir Xirsi
Taleex:June,25,2014(SDN/QJ)Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi cali xaaji xasan oo ku sugan Degmada taariikhiga ah ee Taleex ayaa ka Hadlay markii ugu horraysay ujeeddada ay Halkaas u tageen isaga iyo waftiga culus ee uu Hoggaaminayaa.
Wasiir xirsi oo u warramay idaacadda BBC-da, ayaa Meesha ka saaray inay taleex tahay meel Somaliland Xoog ku qabsatay, isagoo ku adkaystay inay tahay dhul Somaliland ah oo markii la doono la tegi karo,
“Meesha taleex la yidhaahdaa waa Dalkayagii, waa dhulkayagii waa Gobolkayagii waa dhulka aanu ka talino ee Maamulno, markaa waxanu u nimi dalkayagii iyo dadkayagii” ayuu yidhi wasiir xirsi.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa bannaanka keenay Waxqabad iyo horumar ay Deegaanka ula socdaan iyo kulamo Degmada lagu horumarinayo oo ay la qaateen Waxgaradka Halkaas ku dhaqan, isla-markaana ka Ballameen sidii loo qaramayn lahaa Ciidamo tiro badan oo Halkaas Qaab Beeleed ku Jooga, waxana uu yidhi,
“Halkani goob colaadeed ma aha xabadina kama dhicin oo la iskuma dilin,waxanu la kulanay bulshada kala duwan ilaa shan caaqil baanu la kulanay, waxanau u nimi inaanu kor u qaadno nabadaynta inaan loo baahnaan ciidamadan haatan jooga oo ciidamadii Booliska oo dadka ka yimi oo kuwii halkan joogay xoojino oo reero isku dhacay oo Tobaneeyo qof ku kal a dhinteen dhex galno o guddi ka caawisa u samayno, iyana waa nala qaateen, waxanu isla garanay in ilaa iyo ciidan 150-nin ah loo qarameeyo, waxa kale oo aanu u nimi caawimada la caawinayo Bulshada ilaa 15000-kun oo kiintaal oo aanu ku caawinayno Bulshada ayaanu keenay.”
Wasiir Xirsi oo ka jawaabayey su’aal ahayd mar Haddii Caalamku diidan yahay inay Somaliland sii joogto Taleex sababta ay u joogaan, ayaa ku jawaabay,
“Halkani oo kali ah lama iskuma khilafsana ee Dunida oo dhan baa khilaafku ka jiraa, Deegaankan iyo reerka Halkan joogaana kama duwan, dhulkuna waa Somaliland waana wax taariikhi ah, mana ah wax maanta dhashay Somaliland-na waligeed xuduud bay lahayd la yaqaano.”
Wasiir Xirsi cali Xaaji Xasan ayaa ugu dambayntii sheegay inay ixtiraam u hayaan dadka Halkaas ku dhaqan Rabitaankooda, isla-markaana ay horumarkooda ka shaqaynayaan, waxana uu yidhi,“waxanu jecelnahay inaanay ciidamadayada isku dhicin cid kale, maamul horaa jirey, kii horaanu xoojinaynaa, dadka rabitaankoodana waanu ixtiraamaynaa, cid la khasbayaana ma jirto.”
SDN/QJ