Halkan ka Dhagayso 22 Sanno ka hor iyo Maalintii lagu dhawaaqay Madax banaanida Somaliland iyo Khudbadihii Shirkii Burco
Hargaysa 17.May (SDN) Â Waxaa Buuxsamay Laba Iyo Labaatan Sanno taas oo ah Mudadii ay Jirtay Jamhuuriyada Somaliland,Wakhtigaas dheer oo Wiilkii dhashay uu Maanta Gaashaanqaad yahay .
Waa Laba Iyo Labaatan Sanno oo duruufo kala duwan watay,Waa Marxalad laga soo Gudbay habkii Shir beeleedka ee dalkan lagu aasaasay,Waa Sannado uu soo Xidhmay toban sanno oo dalkan lagu maamulayay axdi qarameed ka soo Unkamay Shirweynihii beelaha Somaliland ku Yeesheen Magaalada Burco oo ahayd Goobtii lagaga dhawaaqay in Somaliland ay Gooni isaga Taagto Somalia inteedi kale.
Waxaa furmay Nidaamka Dimuquraadiga ah iyo Doorashooyinka Xorta ah ee ku dhisan qof iyo Codkii “One Man One Vote”.
In kastoo Mudadaas dheer Shayga ugu weyn ee Somaliland ay dunnida ka rabto oo ah Aqoonsi aanay helin,Hadana Shacabka Wadankani kamay rajo dhigin in mar uun ay iman doonto in dunida dimuquraadiga ah ee Tixgalisa rabitaanka Shucuubta aduunku ay garawshiiyo ka heli doonaan ,Waxqabadka ay Somaliland Hirgalisay Waa Mid ku Yimid Iskaashi dhex maray Ummada Geyigan ku nool,oo Xalay dhalay ka noqday wixii ay hore ugala kulmeen Midnimadii ay la galeen Somalia oo ay aaminsan Yihiin inaanay ku Khasaarin balse ay ka kasbadeen duruus ay ku camal fali doonaan Mustaqbalkooda danbe.
Hadaba Shabakada Qurbejoog.com waxay halkan iyo Mar kale akhyaarteeda ku nool dunida dacaladeeda uga soo gudbinaysaa Barnaamij si gaar ah ugu wajahan maalmihii lagu dhawaaqayay Madax banaanida Somaliland ee uu socday Shirkii Ergooyinka Beelaha Wada dega Somaliland iyo Golihii dhexe ee Ururkii SNM.
Waxaa Barnaamijkan Khudbadahoodii aynu ku soo qaadi doonaa Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland alle ha u naxariistee C.raxmaan Axmed Cali Tuur,Maayarkii Xiligaas ee Magaalada Burco haatana ah Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Maxamud Xaashi Cabdi,Alle ha u naxariistee Muj.Ibraahin Maygaag Samatar iyo Qaar ka mid ah ergooyinkii beelaha ee Shirkaas aayo ka tashi ka qayb galay ee dhagaysi haboon.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GOONIISUTAG.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com