Halkan Ka Daawo Wararkii ugu Danbeeyay ee Deegaankii Shaqaaqadu ka Dhacday ee God Heeli iyo Weftigii Xukuumada oo ka hadlay
Caynabo 23.Aug 2013 (SDN)- Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo ku Guda Jira Xalinta Shaqaaqo laba beelood oo walaalo ah ku dhex martay Deegaanka God Heeli ee Gobolka Sanaag ayaa maanta Kulamo la yeeshay bulshada ku dhaqan deegaankaasi.
Weftigan uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guduhu waxay Maanta Kulamo la Yeesheen dadka ku nool Tuulada Gacan ka hadalku ka dhacay waxaa kale oo ay soo indho indheeyeen Goobihii Sababta u ahaa isku dhaca labada beelood ee Walaalaha ah,Waxayna u soo Jeediyeen bulshada ku nool deegaankaasi inaan lagu arki karin cid shicib ah oo Hub sidata iyagoo amar ku bixiyay in Ciidamadu ka qaadaan Qofkii Rayid ah ee Qori Sita .
Wasiir Cali Waran-cadde waxa uu halkaas uga jeediyay bulshada ku dhaqan in maanta laga bilaabo aan deegaankaas lagu arki Karin wax hub ah nooc kasta oo uu yahay oo ay sitaan dadka deegaanku, isaga oo ciidammadana ku amray in ay talaabadda ku haboon ka qaadaan cidii ka hortimaada.
Taliyaha ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Maxamed Geele (Dacar) ayaa iyaguna dadka deegaanka God -Heeli ku ammaanay sida ay nabadda ugu heelan yihiin.
Deegaanka God-Heeli ee beelaha walaalaha ah dirirtu ku dhex martay ayaa weftigu ugu tageen xaalad deganaansho leh iyada oo bulshadda deegaankuna ceelasha ka wada cabayeen.
Warka oo Muuqaal ah Halkan Hoose ka Daawo.
Caynabo SDN.
contact@somalidiasporanews.com