Halkan ka aqri xeerka ay Dowladu dooneyso inay afka ku qabato warbaahinta xorta ah
Halkaan ka akhriso Xeerka Saxaafadda ee ay Dowladu Dooneyso in ay ku Dhaqdo Saxaafadda Madaxa Banaan
JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA
DOWLADDA FEDERAALKA KMG
WASAARADDA WARFAAFINTA
Xeerka Saxaafadda iyo Warbaahinta
Horudhac;
Warbaahintu waa adeeg daruuri u ah bulshada, waxtar weyna u leh. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa :“War la helaa, talo la helaa” murti kale oo Soomaliyeed waxay leedahay: “Muslimow run sheeg, Muslimow ka rumayso”. Xikmado kale oo badan oo ku jira dhaqanka iyo saqaafadda Soomaalidu, waxay u jeedaan in beenta iyo been abuurka laga dhowro warbaahinta, oo had iyo jeer la faafiyo warar xaqiiqada ku salaysan.
Warbaahinta run sheega ku dhisan waa mida u adeegaysa kobcinta dimuquraadiyadda, xuquuqul insaanka, horumarinta dalka iyo yagleelidda cadaaladda.
Saxaafada iyo warbaahintu maadaama ay yihiin wax u adeegaya dadweynaha waa inay ahaadaan qaar leh xeer iyo xeer nidaam, oo aysan ku xadgudbin xuquuqd, muwaadiniinta, hay’adaha iyo dowladda toona.
Beenta iyo dicaayadda aan sal laheyn iyo majara habaabinta xaqiiqadu waxay dhaliyaan fidno, isku dhac, burbur iyo isnaceeb. Iyadoo waxa aan waqtigan iyo mustaqbalkaba u baahanahay, ay yihiin Nabadgaliyo, kala dambeyn, isqadarin, Cadaalad, waxdhis iyo nabad-kuwada-noolaansho.
Xuriyadda qawlku oo ay ka mid tahay cabirka fikirka iyo run sheegidu waa mid ay aqoonsanyihiin falasafadda xeerka, heshiisyada caalamiga ah ee xaquuqul insaanka iyo baaqyada heer Qaarad iyo Gobol.
Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay damaanad qaaday oo ay ogoshahay heshiiyadda la soo sheegay, waxayna dhiirigalinaysaa xoriyadahaas, iyadoo lagu shaqeynayo qodobka 20-aad faqradiisa 1-aad iyo 2-aad ee Axdiga KMG ah.
Howlaha Saxaafada iyo warbaahinta waxaa nidaaminaya oo soodimaynaya xeerkan iyo xeerarka kale ee Dalka.
Saxaafadda iyo warbaahinta gaar ahaaneed, waa inay u kala soocnaato xiligii burburka ee la soo maray (1991-2004), iyo xiligan oo ay wadanka ka jirto dowlad sharci ah oo Qaranku leeyahay.
Dadku markay helaan awood ay ku heli karaan warar sugan, ayey yeelan karaan ka qeybgal wacan ee faltanka Dimuquraadiyadda iyo nidaamka dowliga ah, waxayna is hortaagi karaan talaabooyinka wax yeelaya sharafta Qaranka sida : laaluushka, eexda iyo isku xadgudubka.
Ugu dambeyn, warbaahitna wanaagsan waa tan shacbiga ugu yeerta jidka horumarka iyo asluubta wanaagsan, kana waanisa wixii waxyeelaya madax banaanida, Nabadgalyada iyo Midnimada Qaranka.
Xeerka Saxaafadda iyo Warbaahinta
Qodobka 1-aad
Qeexidda Saxaafad iyo Warbaahin
Saxaafad iyo warbaahin waa waxyaalaha ama qalabka loogu gudbiyo bulshada Warar, macluumaad, xog iyo afkaar kuwaasoo lagu gudbiyo maqal, muuqaal iyo qoraal, iyadoo la adeegsanayo Wargeysyada iyo qalabka kale ee warbaahinta sida: Idaacadaha, telefeshinada, wakaaladaha wararka, website-yada, khudbadaha, filimada, buugaga iyo wax kastoo la daabaco oo si guud loogu soo bandhigayo bulshada.
Qodobka 2-aad
Xorriyadda Saxaafadda iyo Warbaahinta
- Saxaafadda iyo warbaahintu waa inay yihiin qaar u madaxbanaan fidinta xogta iyo wararka, isla-markaasna waa inay u hogaansamaan sharciga iyaga nidaaminaya.
- Xoriyadda qowlka, fikirka iyo saxaafadda waxaa lagu damaanad qaaday heshiisyadda caalamiga ah sida: – Baaqa Caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee 10 December 1948 iyo heshiisyadda kale ee heer caalami, qaarad iyo gobol, sidoo kale Xeerka Axdiga Qaranka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya qodobkiisa 20-aad farqadiisa 1aad & 2aad waxuu ogolyahay, oo dhiiri gelinayaa Xorriyadaha la soo sheegay.
Qodobka 3-aad
Ujeedada Xeerka Saxaafadda iyo Warbaahinta
- Ujeedada xeerkani waxay tahay inuu nidaamiyo howlaha wargeysyada iyo warbaahinta kale, ha ahaato mid dowlad leedahay ama mid gaar loo leeyahay (Public and Private Media). Wuxuu kale uu qeexayaaa xiriirka u dhaxeeynaya Wasaaradda iyo saxaafadda & warbaahinta.
- Xeerkani wuxuu tilmaamayaa xiriirka u dhaxeyn kara hay’adaha warbaahinta iyo bulshada.
Qodobka 4-aad
Furasho Warbaahin Gaar ah
1. Urur, Koox ama muwaadin kasta oo Soomaali ah, wuxuu xaq u leeyahay, in uu furto Warbaahin gaar ah, marka uu buuxiyo shuruudaha hoos ku qoran:-
b) Inuu wada-tashi kala sameeyo Wasaaradda Warfaafinta, warbaahinta uu doonayo inuu furto: – nooceeda, awoodeeda, tayadeeda, qaabkeeda shaqo iyo kanalka ama frequensiga uu isticmaalayo.
t) In uu ruqsad furasho iyo diiwangalin ka helo, Wasaaradda Warfaafinta.
j) In qalabka uu keenayo ama uu haysto, aanu ahayn mid wax u dhimaya degaanka iyo habsami u shaqeynta warbaahinta kale.
2. Markii xeerkan dhaqangalo, warbaahinta gaarka ah ee hadda shaqeysa waa inay soo waydiistaan ruqsad warbaahineed, waxayna wasaarada u soo gudbinaysaa, qaab-dhismeedka warbaahintooda, qalabka ay haystaan iyo frequency-ga ay ku shaqeeyaan iyo goobta ay ku taalo warbaahintu. Wasaaraddu markay ogolaato ayaa la diiwaangalinayaa warbaahinta.
3. Warbaahintoona ma shaqeyn karto hadaysan helin ruqsadda iyo diiwaangalinta ku xusan faqrada 1aad ee isla qodobkan.
Qodobka – 5aad
Mamnuucid
Markuu xeerkani dhaqangalo, waxaa mamnuuc ah in dalka Soomaliya la soo galiyo, qalab warbaahineed oo aan ruqsad ka haysan, wasaarada warfaafinta ee dawladda Federaalka KMG ee Jamhuuriyada Soomaaliya
Qodobka – 6aad
Hay’adaha Saxaafada iyo warbaahinta dibadda
1. Hay’adaha Saxaafada iyo wakaaladaha wararka ee aduunka waxay xor u yihiin in ay dalka ku yeeshaan wakiilo uga howl gala si joogta ah, ama si aan joogto ahayn, bacdamaa saxaafadda dalka ay xor tahay, sida uu qabo Axdiga Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxaa shardi looga dhigayaa inaysan ka horimaan xeerka dalka iyo anshaxa suuban.
2. Weriyaha Ajnebiga ah, waxaa ka reeban inuu ku dhaqaaqo, wixii ka hor imanaya xeerka saxaafadda iyo shuruucda kale ee dalka.
3. Wakiilada hay’adaha warbaahinta, ee ajnabiga ah, iyo weriyayaashoodu, hadii lagu soo eedeeyo inuu ku xadgudbay xeerkan, waxaa si ku meel gaar ah, looga joojinayaa shaqada ilaa iyo inta dacwadiisu ka dhamanayso, waxaana loo gudbinaya hay’adaha garsoorka, haddii dambi uu ku cadaado, wuxuu mutaysanayaa, in ruqsadda lagala noqdo, iyo in lagu fuliyo ciqaabta lagu xukumay.
4. Hay’adaha warbaahinta dibadda marka, ay wakiil u soo dirsanayaan dalka, waxaa ku waajib ah, inay oggolaansho ka helaan Wasaaradda. Dadka ay soo dirsanayaana waa inay yihiin dad aqoon u leh shuruucda dalka, warbaahinta iyo dhaqanka Soomaalida haday suurto gal tahay.
Qodobka 7-aad
Diiwaangelinta, Khidmadda, Mulkiyadda, Maamulka iyo Masuuliyadda
1) Diiwaangelin –Warbaahin kasta, sida: Idaacad, Telefeshin, Wargeys, Madbacad, Shinimooyin, Ururada Saxaafadda iyo website-yada, ha ahaadeen qaar hadda jira ama kuwo cusub oo la furayo, waa in laga diiwaangeliyaa, Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyadoo Wasaaradu ay u gudbinayso Kopy ah warqadda ruqsada Maxkamadda Gobolka iyo xafiiska gudoomiyaha Gobolka laga furayo Warbaahinta.
2)Khidmada diiwaangalinta – Warbaahinta gaarka ah ee gudaha iyo dibadda Waxaa laga qaadayaa khidmad diiwaangalin, mid sanadeed iyo khidmadda ruqsada suxufiyiinta ajanabiga ah ee imaanaya dalka, waxaa lagu qeexidoonaa xeer-nidaam ay soo saari doonto wasaaraddu, iyadoo kala tashanaysa hay’adaha canshuuraha ee W/ Maaliyadda.
3) Mulkiyada, Maamulka iyo Masuuliyadda – Warbaahin kasta oo si gaar ah loo leeyahay waa in ay leedahay mulkiile loogu soo hagaago oo leh mulkiyadeeda iyo Maamule ka masuul ah shaqada. Codsiga diiwaangalinta waa in lagu soo daraa warqadda lahaanshaha, magaca milkiilaha, degaankiisa, cinwaankiisa gaarka ah, nooca Warbaahinta ay ku hawlan yihiin. Sidoo kale waa in codsiga lagu muujiyaa magaca, aqoonta iyo cinwaanka maamulaha. Waa in ay yihiin muwaadiniin degan dalka. Labada jago ee ah mulkiyadda iyo maamulka waxaa isku qaban kara hal qof oo qura.
4)- Cinwaanka Warbaahinta- Warbaahin kasta waa in ay leedahay, Xafiis loo yaqaan iyo cinwaan loogu soo hagaago, sida:- P.O.Box, E-mail, Fax iyo Telefoon, hadii mid kamid cinwaanadaas la waayo waxaa la isticmaalayaa kuwa la heli karo. Warbaahinta lama furikaro hadii aanay buuxin, shuruudaha ku qoran qodobada 4 & 6, ee isla xeerkan.
5– Waqtiga – Markii la buuxiyo, shuruudaha ku qoran qodobada 4, 6 iyo 7 faqradiisa 1aad, waxaa warbaahinta ruqsada lagu siinayaa mudo bil gudaheed ah (30 casho), hadii aanay jirin duruufo dib u dhigaya oo lagu qanci karo. Mudada ay sugayso ruqsada warbaahintu ma qaban karto wax howl ah oo la xiriira warbaahinta.
6) Dhamaan Warbaahinta dalka ka jirta ee gaarka loo leeyahay, waxaa ku waajibaya in ay iska diiwaan geliyaan Wasaaradda, mudo aan ka badnayn 45 beri, laga bilaabo maalinta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadu Saxiixo xeerkan, iyadoo xeerka laga baahindoono qalabka warfaafinta dowladda.
Qodobka. 8aad
Luminta Diiwaangelinta
Hay’adda warbaahineed ee hore loo diiwaangaliyey waxey lumin kartaa Diiwaangelinteeda, marka ay hawlgeli waayaan qalabkeeda warbaahineeed muddo 3 bilood ah, ama inta ay mar shaqeeyeen uu soo galay hakad ah 3 bilood.
Qodobka 9-aad
Tilmaamo muhiim ah
1. Daabacaad kasta, sida wargeysyada ha ahaado maalinle, ama mid xilliyeed, website ama nooc kasta oo daabacad warbaahineed ah, waa in ay ka muuqataa Magaca, taariikhda daabacaada, degaanka, magaca maamulaha iyo tifaftiraha.
2. Wargeys kastaa ee la soo saaro waa in uu Nuqul ka mid ah la dhigo Wasaaradda Warfaafinta, Maxkamadda gobolka iyo xafiiska xeer ilaalinta gobolka warbaahinta laga furay markii la diiwaangaliyey.
3. Website- kasta, waa in uu keenaa muuqaalka Baga hore ( Home page-ka) website-kooda Wasaaradda, Maxkamadda gobolka iyo xafiiska xeer ilaalinta gobolka ay ka furan yihiin ama xafiiska ugu muhiimsan ee dalka gudihiisa ay ku leeyihiin marka la diiwaan gelinayo.
Qodobka 10aad
Isbedelka ku yimaada warbaahin horay loo diiwaangaliyey.
Isbedel kasta oo ku yimaada muuqalka, awooda iyo tayada warbaahintii horay loo diiwaan galiyay, waxay noqonaysaa wax cusub oo kale oo u baahan, in go’aan laga gaaro, loona sameeyo diiwaan galin cusub, Masuulka hay’adaas wuxuu Wasaarada Warfaafinta iyo Diwaan hayaha Gudoomiyaha Maxkamadda u soo gudbinayaa codsi uu ku cadaynayo is bedelka uu rabo, kaas oo lagu diiwaangelin doono muddo 7 moolmood (maalmo shaqo) gudahood ah, hadii aanay jirin duruuf macquul ah oo dib u dhigaysa.
Qodobka 11aad
Isbedelka mulkiyada, magaca iyo Maamulka
Isbedel kasta, oo lagu samaynayo Mulkiyadda, Maamulka iyo magaca warbaahinta waxaa lagu wargelinayaa Wasaaradda Warfaafinta, Maxkamadda Gobolka iyo xeer ilaalinta Guud ee Gobolka ka hor inta aan la dhaqan galin isbedelka.
Qodobka 12-aad
Anshaxa Saxaafadda
1. Sharciga iyo nidaamka Saxaafadeed ee Qaranku wuxuu ku salaysanyahay Diinta iyo dhaqanka suuban ee shacabka, sidaas awgeed waxaa Warbaahinta Soomaaliyeed ka reeban in ay gudbiso ama faafiso waxkastoo wax u dhimaya dhaqanka suuban ee shacabka Soomaaliyeed. Iyadoo ay xeerarka kale ee dalku xadeynayaan, arrimaha loo baahanyahay in saxaafadu ka reebtoonto waa sida:-
b) Sheegista, ama faafinta, warar been ah ama xog aan sal iyo raad midna laheyn, aan meel sugan laga soo xigan.
t)- Gudbinta, ama faafinta arrimo ku lug leh sirta iyo nabadgalyadda Qaranka, go’aanka cadaalada iyo garsoorka ama sir ku lug leh gacansiga ama soo saarka shirkad; sirahaasi waa inay yihiin qaar la siiyey astaan sireed ( Classified Information) oon la faafin karin in la helo ogolaansho dowladeed oo ka saareysa warka sirnimada, taasoo ku imaan karta go’aan dowladeed ama mudada oo fogaata oo gaarta 40 sano, lagana kaaftoomo sirnimada xogtaasi.
j)- Gudbinta iyo faafinta qoraal, maqal iyo muuqaal ahaan waxyaabo lid ku ah caqiidada iyo Shareecada Islaamka.
x)- Faafinta ama dabacaada sawirada lagu muujinayo cawrada bini’aadamka, haddii aysan ahayn arrimo la xiriiro caafimaad iyo wax la mid ah.
kh)- Gudbin ama faafin fikir ama aragti kicin bulsho, dhiirigelin qabiil ama dhaawici karta nabad ku-wada-noolaanshaha bulshadda iyo midnimada ummadda.
d) Saxaafadu waa inaysan faafin muuqaalo tusinaya jir bini aadam oo la googooyay, faraxumeyn iyo sawiro argagax ku abuuraya bulshada
Qodobka.13aad
Daabacaadda aan sharciyeysneyn (stampa clandestine)
1. Cidkasta oo furta ama faafisa Warbaahin aan diiwaan gashanayn sida ku xusan qodobada 4 , 6 & 7 farqadihiisa 1aad, waxaa laga xirayaa warbaahinta sharcidarro, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yareyn 1 sano ilaa 5 sano iyo ganaax aan ka yareyn lacag Soomali qiimaheedu u dhigmo U$D 500 ( Shan boqol oo Doolar) ilaa U$D 2,000 ( Laba kun oo Doolar). Dacwadaha la xiriira dambiyaddaas waxaa qaadaya Maxkada Gobolka.
2. Sharikadii ama shaqsigii ku soo bandhiga qoraal warbaahintaas sharci darradda ah, isagoo ka warqaba, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yareyn 3 bilood ilaa hal sano, iyo ganaax gaari kara lacag qiimaheedu yahay ilaa U$D 200 (laba Boqol oo doolar) ilaa U$D500 ( Shan Boqol. oo Doolar), dacwadana waxaa qaadaysa Maxkadda Gobolka
Qodobka.14aad
Wax ka badalid aan la sharciyeen
1. Hay’addii warbaahineed ee soo saarta Wargeys, Website ama Daabacaad ka duwan tii u diiwaan gashanayd ama nuqul ka duwan kii ka yaalay Wasaaradda Warfaafinta iyo Maxkamadda gobolka iyadoo aan loo ogolaan isbedelkaas, sida ku cad qodobka 10-aad ee isla xeerkan waxey mutaysanaysaa ciqaab xarig an ka yareen lix bilood iyo ganaax lacageed oo aan ka yareyn lacag U$D700 ( tobado boqol oo Doolar) ilaa U$D1,200 (Kun iyo laba boqol oo doolar)
2. Hay’adda warbaahineed ee la xukumay waxaa ku waajibaya inay soo celiso ama soo saarto nuqulkii asalka ahaa ee u diiwaangashanaa, ilaa iyo inta looga ogolaanayo isbedelka.
Qodobka.15aad
Caddeyn been abuur ah
Cidii ka been sheegta, shuruudaha diiwaangelinta, ee ku qoran qodobka 4 & 6 ama qorta qoraal aan waafaqsaneyn sharuudii lagu siiyey ruqsada, waxaa lagu ciqaabayaa xarig u dhaxeeya 1 ilaa 3 san iyo ganaax lacageed oo u dhaxeeya U$D500 ilaa U$D2,000 ( laba kun oo dolar). Awooda qaadista dacwadan waxaa leh maxkadda gobolka.
Qodobka.16aad
Faafin Macluumaad been ah
Warbaahinta waxaa ka reeban faafinta been iyo borobagaan liddi ku ah sharafka Muwaadin, hay’ad ama Dawladda, Warbaahintii faafisana wararkaas beenta ah waxaa ku waajibaya;-
b)- In ay u ogolaato, iyadoo kharashka wax ku qoridda laga dhaafayo, muwaadinka ama hay’adda, inay ka soo jawaabaan wararka ay u arkayaan inay yihiin been wax lagu yeelayo shaqsiyayadooda iyo sharafkooda, iyagoo ku soo jawaabaya isla wargeyska, baalka iyo colum-kii warka lagu qoray ama warbaahintii laga siidaayey. Jawaabta ceynkaas ah waa in aan la kala dhantaalin nuxurkeeda, si ay u gudbiso macnihii ay ku dhisneyd jawaabtu.
t) Inay raaligelin qoraal iyo saxid ka bixiso, kuna faafiso (colum-ka 1aad ee bogga hore) ee lagu daabacay ama isla barnaamijkii idaacadda ee laga siidaayey warka, iyadoo raali galintaas ku sameynaysa mudo aan ka badnayn 3 berri gudahood.
t)- Haddii muwaadinka, hay’adda, ama dawladda lagu sameeyey been abuurka, ama la sharaf dilka, ku qanci waayaan raaligelinta la bixiyey waxey xaq u leeyihiin in ay ka dacwoodaan hay’adaha garsoorka soona bandhigtaan cabashadooda.
j)- Dambiyada lagu galo Warbaahinta waxaa wada jir masuul uga ah qofkii Warbaahinta ka sii daayey, ama ku qorey qoraalka, tifaftiraha, Maamulaha iyo milkiilaha Warbaahinta.
x) Warbaahinta, waxaa ka reeban, inay faafiso, dacaayad qof dhintay iyo qof aan miyirkiisu taam ahayn oo aan isdifaaci Karin, haday taasi dhacdo waxaa loo ogolaanayaa in ilmihiisa ama qaraabadiisa dacwad geyn karaan hay’adaha garsoorka ee ku shaqo leh, dabadeedna ay xeer ilaalintu dhaqaajinayso dacwadda ciqaabeed ee la xiriirta arrintaas.
Qodobka.17aad
Lacag kabid ah
Haddii lagu caytamo qalabka Warbaahinta ama wargeys qofka la caayey waxuu u dacwoon karaa garsoorka, waxuuna waydiisan karaa kabid lacageed oo ka baxsan ama dheeri ka ah magdhawga, taasoo loola jeedo dhibtii soo gaartay shaqsiyada, kabidda lacageed ee aan soo xusnay waxaa lagu qiimeynayaa culeyska dhibta iyo dhumucda baahidda warbaahinta
Qodobka.18ad
Faafin khasab ah
Hadii wargeys ama hay’ad warbaahineed lagu xukumo dambi ciqaabeed, ganaax iyo magdhaw ama kabid lacageed, iyadoo lagu cadeeyey inay ka baahisay muwaadin, hay’ad, shirkad ama dowladda, warar ama xog been ah oon sal laheyn, waxaa agaasimaha iyo warbaahinta la xakumay ku waajibaysa inay warbaahintooda ku sheegaan xukunka maxkamadeed ee lagu xiday, haday ka baaqsadaan inay sidaas yeelaan waxay galayaan dambe ciqaabeed waxaana lagu ganaaxayaa lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta U$D 500 – U$D 1,500) ( shan Boqol ilaa kun iyo shan boqol oo US doolar ah)
Qodobka.19aad
Warbaahinta Dawladda
1. Warbaahinta Dawladda waxaa ka masuul ah wasiirka warfaafinta, wuxuu magacaabayaa afhayeen ay leedahay wasaaradu, kaas oo noqonaya xiririyaha warbaahinta dowladda, warbaahinta gaarka ah iyo tan caalamka.
2. Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaliyeed (SONNA) waa uruuriyaha, gudbiyaha iyo qeybiyaha wararka, waxay ka jawaabaysaa codsiyadda iyo baahida xogeed ee warbaahinta gaar ahaaneed, isla mar ahaanta waxay soo xiganaysaa wararka wakaaladaha caalamka iyo warbaahinta gaar ahaaneed ee dalka.
3. Waxaa kale oo warbaahinta Dowladda FKMG ah si wacan uga qeybqaata idaacadaha, wargeysyada, talefeshinada iyo iyo warbaahintii kale ee Dowladdu leedahay, kuwaas oo soo qadima warar, barnaamijyo, filimo iyo madadaalo ay kula tartamayaan warbaahinta gaar ahaaneed oo ay xiriiraan.
Qodobka.21aad
Iskaashi warbaahineed
1. Iyadoo la dhiirigalinayo lahaanshaha warbaahinta gaar ahaaneed, waxaa sharciyan banaan abuuris shirkado warbaahineed oo ka dhaxeeya dowladda ( W/warfaafinta) iyo qeybaha warbaahinta gaar ahaaneed ( Private Media Sector), warbaahinta gaar ahaaneed ee laga hadlayo waxay ahaan karaan kuwa hada jira ama kuwo cusub oo hada kadib la dhisi doono.
2. Heshiiska ku qoran faqradda 1aad ee isla qododkan, waa in lagu kala saxiixdo nootaayo la yaqaan hortiisa, waana inuu goob joog yahay garyaqaanka guud ee dowladda, waaana in nuqul kamid ah heshiiska laga diiwaangaliyaa maxkadda gobolka. Heshiiska la diiwaangaliyey waxaa lagu keydinayaa maxkadda racfaanka ee gobolka Qeybta Rahanka.
3. Heshiiska lagu abuurayo iskaashi warbaahineed oo ay kala saxiixdeen dhinacyada (dowladda iyo qeybo gaar ah) waa in lagu cadeeyaa shuruudaha lagu heshiiyey sida: mudada uu soconayo heshiisku, ujeedada, saamiyadda ay kala leeyihiin dhinacyadu iyo wax kasta oo ay dhinacyadu isku afgartaan in la geliyo heshiiska.
4. Hay’ad kasta oo ka dhalata iskaashi warbaahineed oo ay ku shirkoobeen dowladda iyo qeybo gaar ah, waa inay u hogaansantaa xeerkan iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Qodobka.22aad
Suxufi
1. Suxufi, waxaa loo aqoonsanayaa qofkii ka soo baxay goobaha waxbarashada saxaafadda, haystana shahaado la aqoonsan yahay, sida heer Jaamacad, machad xirfad saxaafadeed ama tababar iyo waayo aragnimo aan ka yareyn 12 sano.
2. Shaqaalaha kale ee ku hawlan saxaafadda iyo warbaahinta oo ah waayo arag ama farsamo yaqaan waxay ka tirsanyihiin bahda saxaafadda waxaana ku waajib ah inay dhowraan asluubta iyo anshaxa saxaafadda (Code of ethics of journalisim). Dadkaas aan soo xusnay waa in la siiyaan dhowrista suxufiga oo kale.
Qodobka.23aad
Waajibaadka Suxufiga
1. Suxufigu waa in uu yahay, qof huffan oo xor u ah meharadiisa iyo afkaartiisa, kana run sheega dhacdooyinka uu ka warbixinayo iyo cadaynta cidda ama meesha uu warka ka helay.
2. Suxufigu waa inuusan ku xadgudbin xuquuqda muwaadiniinta, Hay’adaha, xurmada Diimaha iyo Dhaqanka Umadda.
3. Suxufigu, waa in uu iska ilaaliyo faafinta warar been ah iyo borobagaan, oo wax u dhimaya amniga Qaranka, Midnimada dalka iyo Nabad kuwada noolaanshada Shacbiga.
4. Suxufigu waa in uu dhowraa sharafka (dignity), lahaanshaha gaar ahaaneed (privacy), xuquuqda iyo karaamada dadka uu la kulmayo ama wararka ka qaadayo, waana inuu u muujiyo ixtiraam.
5. Suxufiga ama weriyaha waxaa ka reeban in uu qaato ama si khayaamo iyo tuugo ah ku helo xog ama sawir gaar loo leeyahay oo aan loo ogolaan.
6. Iyadoo aan waxba la yeelay xoriyada saxaafada iyo masuuliyadeeda, masuuliyiinta warbaahin kasta iyo wariyaashu waa inay siidaayaan warar tifaftiran, dhex dhexaadnimo ka muuqato oo xaqiiqada ku fadhiya.
7. Hadii warbaahintu ama weriyuhu faafinayo war uu isqariyey qofkii sheegey, waa in la qiimeeyaa ujeedada wartebiyuhu isu qariyey, kadibna ay faafisaa warka, hadday u sugnaato in warkaasi yahay mid wax ku tarayo danta guud ee Qaranka isla-marahaantaana aan cid gaar ah loogu dan lahayn.
8. Suxufiga waxaa ka reeban in uu faafiyo wararka dhiiri gelinaya qabyaaladda ama ku kala saaraya shacbiga dhanka cirqiga oo leh ujeedo fidnoabuur iyo isnaceeb.
Qodobka.24aad
Xuquuqda Suxufiga
1. Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay in la ilaaliyo amnigiisa, sharafkiisa, iyo in uu cabiro fikirkiisa, hadii aanay ka hor imaanayn qodoboda xeerkan.
2. Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay, in la siiyo, wararka uu u baahan yahay hadii aanay jirin sabab macquul ah oo diidaysa.
3. Suxufiyiinta iyo weriyeyaasha, waa in Dawladdu siisaa ama u fududaysaa fursado kororsi aqooneed oo la xiriira mihnadooda shaqo.
4. Milkiilayaasha qalabka Warbaahinta iyo Warfidiyeenadu, waxey yeelan karaan ururo u gaar ah, oo ay ku midaysan yihiin danahoodana u difaaca.
5. Milkiilayaasha warbaahinta gaarka ah, waa inay ilaaliyaan xuquuqda suxufiyiinta, wariyeyaasha iyo farsamoyaqaanada u shaqeeya, wixii ku saabsan arrimaha:- i) Hashiiska shaqa-qorista ii) Saacadaha shaqada iii) Fasaxyada iyo jirada iv) Shaqo ka tagista, ruqsada iwm
Qodobka. 25aad
Ilaalinta xaqa lahaanshaha (copyright)
Isticmaalka iyo amaahashada xog ama aaraa’ la soo minguuriyey waa in la xusaa qofkii curiyey ama alifay xogta la xigtay, waxaa reeban in la soo min guuriyo xog aan la xusin cidii aliftay ama sameysay.
Qodobka. 26aad
Xeer ilaalinta
Dembiyada la xiriirta warbaahinta waxaa iska kaashanaya Wasaaradaha Warfaafinta, Hay’adaha Garsoorka iyo kuwa Amniga.
Qodobka. 27aad
Dhaqan galka Xeerkan
Xeerkan wuxuu dhaqangelayaa, markuu saxiixo Madaxweynaha Jamahuriyadda Soomaliya laguna soo qoro faafinta rasmiga ah ee dowladda. (12)