Halkan ka Akhri Taariikh Nololeed Kooban oo ku Saabsan Allaha u naxriisto Eng. Axmed Shariif Xuseen
Muqdisho:17-Aug-2013-(SDN)- Allaha u naxriistee waxaa maanta magaalada Muqdîsho lagu dilay Eng. Axmed Shariif Xuseen oo ahaa Eng. Idaacada yo TV-ga Qaranka Soomaaliyeed, walina lama hayo cid si gaar ah loogu soo qabtay dilka marxuumkaas Aqoonta Durugsan u lahaa cilmiga Tignoolajiyadda.
Haddaba waxanu maanta halkan idiinku haynaa Taariikh kooban oo ku saabtan marxuumkan maanta la dilay, waana tan ee ka bogta:
Allaha Unaxriistee Eng. Axmed Shariif Xuseen, waxaa da’diisa lagu qiyaasay 40-jir, waxa uu ku dhashay isla Markaana kusoo bar-baaray Magaalada Muqdîsho, gaar ahaan Degmada Shibis oo uu waqtigiisa ku qaatay, waxaa dhalay Eng. Shariif Xuseen oo ka mid ahaa Aas-aasa-yaashii Radio Muqdisho Xilligii Bari-samaadka, waxa uu mihnada Warbaahinta kusoo biiray, xilligii ay Hawada soo gashay Idaacadii ku hadli jirtay Afka Cali Mahdi Maxamed, xilligaasi oo uu ka mid ahaa dadkii wax ka taagay Idaacadaasi.
Eng. Shariif Xuseen oo ahaa nin si weyn loogu yaqaan Magaalada Muqdisho, isla Markaana ah Aabaha dhalay Axmed Shariif Xuseen, ayaa si weyn wax u baray, iyadoona Eng. Axmed Shariif Xuseen uu ka mid ahaa dadkii Taagay ama Howlgaliyay Idaacadii Radio Banadir ee Magaalada Muqdisho, oo aheyd Idaacadii ugu horeesay ee cod xor ah kaga howlgasha Magaalada Muqdisho.
Allaha Unaxriistee Axmed Shariif Xuseen waxa uu soo saaray farsamayaqaanno fara badan oo xilligaan ka howlgala Idaacadaha Magaalada Muqdisho.
Waxa uu ka mid noqday Shaqaalaha Idaacadii Horn-Afrik ee Magaalada Muqdisho, iyadoona xilligaasi si weyn loogu xasuusto in Idaacadaasi uu gaadhsiiyay dhamaan Gobolada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Eng.howlgaliyay Idaacadii Somaliweyn ee Magaalada Muqdîsho.
Kuma Ekayn oo kaliya in Idaacadahaasi uu Howlgaliyay, balse waxaa jirtay Idaacado kale oo loogu maarmi waayay Eng. in uu Howlgaliyay kuwaasi oo ku yiilay Magaalada Muqdîsho, qaarkoodna illaa iyo iminka Howlgala.
balse dDib u howlgalintii Radio Muqdisho Idaacada Qaranka Soomaaliya, ayaa waxa uu ka mid ahaa ragii sida weyn ugu shaqeeyay in idaacada ay haatan soo gaadho heerka ay gaarsiisan tahay, waxa uuna ahaa Engineerka Farsamada Idaacada iyo TV-ga Qaranka Soomaaliyeed.
Waxa uu kasoo jeedaa Qoys warbaahinta si weyn loogu yaqaan, waxaana Eng. Axmed Shariif Xuseen la dhashay, C/xakiim Shariif Xuseen, oo haatan ka mid ah Farsamayaqaanada Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho.
Allaha u naxriistee Eng. Axmed Shariif Xuseen waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka fara ku tiriska ee dhinaca Howlgalinta Idaacadaha sida weyn u yaqaan, iyadoona Taariikhdiisa oo buuxda aysan inoo suura gelin in aaynu soo aruurino, balse intaan ayaa ku siman inta aynu kaga naqaan dhinaca Warbaahinta.
Muqdisho SDN.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com