Halkan Ka Akhri Heshiiskii Uu Mulkiilaha TV-ga Universal Saxeexay Inuu Kaga Hawlgalo Somaliland iyo Cidda Jebisay
Hargeysa:12-Feb-2014(SDN)-Wali Shacabka ku Dhaqan meelo Kala Duwan oo somaliland ah ayaa Hadal Haya Sababta Keentay in Albaabada Loo Laabo Telefshanka Afka Soomaaliga ku Hadla ee Universal oo dhawaan Xukuumadda Somaliland Joojisay Shaqadii uu ka Hayey Dalka.
Muranka u dhexeeya Xukuumadda iyo TV-gan ayaa marar Badan soo Noqnqoday, waxana in badan ooh ore dhacday in labada dhinac wax kala Sheegtaan iyadoo mar walba ay xukuumaddu sheegan jirtey inay Dhibaato u aragto Baahinta Tv-gaas.
Sidoo kale xilligii Xukuumaddii Rayaale waxa dhacday in mar La Xidho Tv-gan, halka ay intii Xukuumaddani Kulmiye Jirteyna Marar Badan dhacday in la isku DHacaa.
Khilaafyadaas Hore ee Soo Taxnaa ayaa keenay in Mulkiilaha Tv-ga Somaliland ku Khasabto inuu saxeexo Heshiis ay Danaheeda ku Dhawranayso, waxana uu Mulkiiluhu Hargeysa u yimi sidii uu Heshiiskaas u Saxeexi lahaa muddo Haatan Laga Joogo Afar Sano.
Heshiiskan ayaa Gebi ahaanba lagu salayn Shuruucda La isla Yaqaanno ee Saxaafadda, waxana Loo Dhigay Qaab Laba Qolo oo kala Shaqaysanaya oo kale, waxana ay Taasi Keentay inuu Dabramo oo xidhmo Xorriyatulqawlkii uu Tv-gu ku Hawlgeli lahaa.
Heshiiskaas oo la kala Saxeexday 18/10/2010-kii ayaa u dhignaa Sidan:
“Sidii aynu ku wada hadalnay shirkii aynu ku yeelanay xarunta Wasaarada Warfaafinta ee magaalada Hargeysa, kuna taariikaysnaa 18/10/2010-kana qaybgaleen dhinac xukuumada Somaliland Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Af-hayeenka Madaxtooyada, Agaasimaha guud ee wasaarada iyo Agaasimaha Warfaafinta, dhinaca Telefishanka Caalamiga ah ee Universal-na Mulkiilaha TV-ga, maamulaha guud ee TV-ga iyo Agaasimaha Xafiiska Somaliland ee Universal.
Shirkaas oo uu nuxurkiisu ahaa, sidi la iskula meel dhigi lahaa qorshaha uu TV-gu kaga hawlgeli lahaa Somaliland iyo in meesha laga saaro mad-madawga soo kala dhex galay TV-ga iyo xukuumada cusub ee Somaliland, sida darteed sidaa waxa uu TV-gu u gudanayaa waajibaadka Saxaafaddeed si dhex dhexaadnimo ah.
A.Waxa uu TV-gu u tebinayaa wararka iyo dhacdooyinka siyaasiyiinta Somaliland si siman oo ku salaysan tiirarka aasaaska ah ee mihnada warbaahineed.
B. TV-gu wuxuu ka qayb qaadanayaa baahinta horumarka ka socda Somaliland ee dhinacyada Dimuqraadiyada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Arrimaha Bulshada guud ahaan.
C.TV-gu waxa uu diyaar u yahay in uu xidhiidh joogto ah kala yeesho wasaarada warfaafinta hadba wixii jira.
D. Xafiiska Universal TV ee Hargeysa waxa uu masuul ka yahay Tifaf-tirka wararka Somaliland.
E.Waxaanu balanqaadaynaa inaanu ku dhaqano isla markaana ilaalino shuruucda iyo xeerarka u dajisan Jamhuuriyada Somaliland.
Mulkiilaha Universal TV ahna Maamulaha Guud ee TV-ga
Eng. Axmed Abuu-bakar
S.D.N.
Contact@somalidiasporanews.com