|

Halkan Ka Akhri Fikirrada Kala Duwan ee Shacabka Reer Hargeysa Ka Bixiyeen Farriimihii uu Xambaarsanaa Safarkii Shalay ee Siilaanyo

Hargeysa:01-March-2014(SDN)-Saaka Waxa Magaalada Hargeysa Si Weyn Looga Hadal Hayaa Safarkii Kediska ahaa ee uu Shalay Madaxweyne Siilaanyo ku soo Maray Goobo ka  mid ah Caasimadda Hargeysa.

saliiiShacabka ayaa Siyaabo kala Duwan u macnaystay Safarkaas Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo intooda badani isku Raacsanaayeen inuu Xambaarsanaa Farriimo badan oo uu Dad kala Duwan u Dirayey.

Aragtiyaha ay Shacabku ka Bixiyeen Safarkaas gaaban ayaa u kala qaybsanaa qaar dhinaca Siyaasadda Dibadda ku Jihaysnaa iyo Qaar midda Gudaha  salka ku haysayba.

Dadka Firkikooda ku Saleeyey Farriimaha la xidhiidha Siyaasadda Arrimaha Dibadda, ayaa  sheegay inay socdaalkaasi farriin u ahaa Madaxweynaha Somalia oo jimcihii hore Madaxtooyadiisa ay Kooxda Alshabaab ugu dhaceen, islamarkaana Dad ku Laayeen.

Shacabka Fikirkan aaminsan ayaa Sheegay in madaxweyne Siilaanyo muujinayey inuu Suuqyada Hargeysa Maalinn jimce ah Lug ku dhex mari karo, halka Madaxtooyada Somalia Gudaheeda Saraakiisha Dawladda lagu Laynayo.

Shacab kale ayaa Aaminsan inuu Socodkaasi Farriin cad u ahaa Mucaaridka iyo waliba dadka kale ee inta badan sheega inuu madaxweynuhu noqday Da’ aan wax badan qaban Karin oo Culays iyo Xanuuno badani la soo darseen, sidaas darteedna Taladii waddanku Gacantiisa ka baxday, waxana uu  muujiyey inuu  Lugayn karo inta uu Doono Suuqyada Hargeysa isagoo isku Kalsoon.

Fikir kale oo isla arrintan la Xidhiidha ayey shacabka qaarkii ku sheegayaan inuu Madaxweynuhu Farriin kale ugu Dirayey kuwa  ka shakisan inaanu mar dambe isasoo sharraxi Karin oo aanay Noloshiisu saamaxaynin, isagoo si cad u muujiyey inuu istaahilo inuu muddo kale oo dheeraad ah isa soo sharraxo amaba Muddo kordhin loo sameeyo.

Farriimaha Kale ee saaka Dadku ku sheegeen Safarkii madaxweynaha ee shalay ayaa waxa iyana ka mid ahayd inuu madaxweynuhu dadka Tusayey inuu Haysto Shacab jecel oo u heellan, islamarkaana u tartamaya Gacan-qaadkiisa iyo salaantiisa, xilli madaxweynihii isa Ka HOrreeyey ee Daahir Rayaale aanu ku Dhiirran jirin inuu shacabka Dhex maro.

Dad kale ayaa iyaguna sheegaya inuu madaxweyne Siilaanyo socodkiisa uga jeeday inuu ku jimicsado, balse waxa Meesha aan qabanin ayey leeyihiin inuu Raxan wasiirro ah kaxaysto, mar haddii uu ciidankii ilaalada ahaaba iska Reebay.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed