|

Halista Miinada iyo Bulshada Degmada Dilla oo Wacyigelin laga qabtay

Dilla 18.June 2014 (SDN/QJ)- Hay’adda Danish Demining Group (DDG) ayaa deegaanka Dilla ee gobolka Awdal wacyigelin ku saabsan khatarta miinada ugu qabtay qeybaha bulshada.

Hay’adda DDG ayaa ka qeyb galayaasha u soo bandhigtay filimo ka hadlayay khatarta ay miinada gaarsiin karto carruurta iyo dadka aan aqoonta u lahayn iyo sidii ay dadka isaga ilaalin lahaayeen walxaha qarxa.

Maxamed Cabdi oo ka mid ah howlwadeennada hay’adda DDG oo kulanka ka hadlay ayaa u soo jeediyay bulshada haddii ay arkaan miino ama walxo qarxa in ay ku soo wargeliyaan si deegaanka looga nadiifiyo walxahaas.

Waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ka qeyb galay wacyilgelinta oo socotay muddo saddex cisho ah ayaa sheegay in wixii ay ka faa’iideysteen ay u gudbin doonaan qeybaha kale ee bulshada.

Dilla SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed