Halgankii Guda Galka Magaalooyinka iyo Xuska 25 Guurada ka soo Wareegtay markii Xoogagii SNM gudaha u galeen Magaalada Burco 27.May 1988 {DHAGAYSO BARNAAMIJ GAAR AH}
Hargaysa 27.May (SDN) Ayaaniba ayaanleh waxaa Xus iyo Xusuusba mudan markii halyeeyadii soo majeestayaasha ahaa ee Ururkii Dhaq dhaqaaqa SNM ay fooda is dareen hadhuudhlahana ku dareen Cududii ugu Xooga iyo Saanadaba badnayd ee rajiimkii Siyaad bare isla markaana dhegta dhiiga u dareen General,Sareeye Gaas,Sareeye Guuto, Gaashaanle,abaanduule iyo Isbatoore ku Sheegyadii Xidigta Geeriyaad Garbaha loo Sudhay,Waxay ku astaysnayd 27kii bishii May 1988kii Markii Cutubyo ka mid ah Xoogagii dhaqdhaqaaqa SNM ay dagaaalkii Guda Galka Magaalooyinka ay ka bilaabeen Magaalada Burco.
Hadaba Waxaan Akhyaarta ku Xidhan Shabakada Qurbejoog.com Dunnida dacaladeeda Meel kasta oo ay ka Joogaanba aanu Barnaamijkan Gaarka ah ugu soo Gudbinaynaa Duruufihii Deriska la ahaa Ururkii SNM,iyo Sida ay ugu Suuro gashay inay Gudaha u Soo Galaan Magaalooyinkii Waaweynaa ee Gobolada Waqooyi Xiligaa la Odhan Jiray,haatana ah Somaliland Waxaa Barnaamijakan Ka qayb qaaadanaya Gudoomiyihii Ururka SNM ee Xiligaas Haatana ah M.weynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Taliyihii Ciidamadii SNM ee Galay Magaalada Burco Cornel Axmed Mire Maxamed oo Sharaxaya Sidii uu Dagaalku ku bilaabmay .
Barnaamijkan Waxaa soo diyaariyay Weriyahayahaga Yuusuf Maxamed Ismaaciil ee Dhagaysi Haboon.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Gudogalkii27may.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com