|

Hal-doorka Deegaanka: Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi) Qaybta 2aad. Inbox x

Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare waxa ay dalka ku soo laabatay sannadkii 1995-kii iyada oo ay dalka aafeeyo dagaallo sokeeye, qorshaheedu waxa uu ahaa inay qurbaha ku laabato laakiin xaaladdii jirtay iyo dareenkii ay wakhtigaas dhaayaha saartay ayaa Somaliland ku nageeyay. Carruur u baahan gargaar oo qoryo loo xambaariyay iyo barakac bulshada ragaadiyay ayay aragtay. Si nabad-gelyada loo adkeeyo waxa ay furtay xarumo waxbarasho oo da’yar inta qoriga lagaga dhigo qalin loogu dhiibo. Meelaha ay tagtay waxa ka mid ahaa Oodweyne, waxaana gacan siiyay Agaasimihii guud ee Waxbarashada Xuseen Cilmi, UNICEF iyo UNHCR oo qalabka, macallimiinta iyo hawlaha kaleba la barbartaagnaa. Tacliinta ay alkuntay waxa barbar socday dedaalladii xasilinta oo ay hormood ka ahaayeen odayaal-dhaqameed, siyaasiyiin, waxgarad iyo xukuumaddii Somaliland.

 

Halkaas ayaanay ka dhalatay aasaaska haayadda Candle Light For Health, Enivronment and Education (CLHE)oo ay ka gacan geysteen aqoonyahanno uu ka mid yahay Axmed Ibraahin Cawaale oo ah agaasimaha haayaddaas oo wax badan ka qabatay tacliinta, deegaanka, caafimaadka iyo dakhli-samayntu.

 

Markii dambe waxa ay ka mid noqotay Guddigii u horreeyay ee Doorashooyinka Somaliland ayaan bartay. Waagaas waxa ay ahayd haweenayda keliya eek u jirta guddigaas. Komishanka doorashada oo ka kooban toddoba xubnood waxa sharci ahaan saddex ka mid ah madaxweynaha ayaa xula, labana guurtida ayaa u xilsaaran, labada kalena waxa soo doora Axsaabta mucaaridka ah. Guddoomiye iyo ku-xigeen waxa u ahaa Axmed Xaaji Cali Cadami iyo C/Laahi-Jawaan, xubnahana waxa ka mid ahaa Axmed Cali Aadan (Goodir, Muuse-Xisbi IKK.

 

Shukri Xaaji Ismaaciil iyo AHUN Maxamed Cabdillaahi oo ka mid ahaa guddigii koowaad ee Doorashada waxa soo xulay Xisbiyadii kolkaa mucaaridka ahaa oo kala ahaa: UCID, SAHAN, HORMOOD, ASAD iyo KULMIYE. Iyada oo ka hadlaysa sidii ay u hawlgaleen xilligaas waxa ay tidhi “Waxa aannu qabannay saddex doorasho oo bilaa diiwaan-gelin ah guulna ku dhammaaday. Marka aad wax bilaabayso way adag tahay oo halka aad ciidda iyo sibidhka dhigayso ayaad qoondaynaysaa, marka aad meel dhisan la wareegaysana maamul ayuun baa lagaaga baahan yahay”

 

Doorashadii kowaad ee si toos ah dadku ugu doortaan madaxda intii ay Somaliland la soo noqotay madax bannaanideeda, oo ahayd doorashadii Golaha Deegaanka oo qabsoontay 15/Disember/2002 waxa ku tartamay

waxa ku tartamay lix urur-siyaasadeed oo kala ahaa:

  • UDUB, oo uu hoggaaminayay Daahir Rayaale Kaahin
  • KULMIYE, oo uu Guddoomiye u ahaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
  • UCID, oo uu madax u ahaa Engineer Faysal Cali-Waraabe
  • SAHAN, oo uu gadh-wadeen u ahaa Dr Maxamed Cabdi Gabboose
  • ASAD, oo uu horseed u ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan (Gaal)
  • iyo HORMOOD oo uu calanka u siday Cumar Carte Qaalib

Iyada oo la rabay in ay soo baxaan saddex urur oo noqda Xisbiyo Qaran, waxa soo baxay saddexdii ugu cod badnaa oo kala ahaa UDUB, KULMIYE iyo UCID. Waxaana hadhay, saddexdaas Xisbina ku kala biiray SAHAN, ASAD iyo HORMOOD. Waxa ku xigtay oo ay guddigaasi qabteen doorashadii labaad ee dimuqraadi ah intii waddanku 1991-kii xoroobay, ahaydna tii koowaad ee xilligaas kaddib madaxtooyo loogu baratamo.

 

 

14/Abril/2003-da waxa Somaliland ka qabsoontay doorashada Kursiyada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, oo ay ku tartameen lix musharax oo kala ahaa:

  • Daahir Rayaale Kaahin, oo u sharaxnaa Madaxweynimo, Ku-xigeenkiisuna uu ahaa Axmed Yuusuf Yaasiin. Labadooduba waxa ay ka socdeen Xisbiga UDUB
  • Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, oo u sharaxnaa Madaxweyne, ku-xigeenkiisuna uu ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ka socday Xisbiga Kulmiye
  • Faysal Cali-Waraabe oo u sharaxnaa Madaxweyne, ku-xigeenkiisuna uu ahaa Axmed Cabdi Siciid, oo ka socday Xisbiga UCID.

 

Ugu dambayntii waxa ay Komishanka Doorashooyinku  ku dhawaaqeen natiijadii doorashada iyo sida ay codka saddexda xisbi ku kala heleen, taas oo ku guulaystay Xisbiga UDUB, oo siddeetan cod kaga reeyay Xisbiga Kulmiye. Natiijadaasna waxa qacdii hore ku gacan-saydhay Xisbiga Kulmiye oo sheegay in la sameeyay ku shubasho iyo wax is-dabamarin. Taasina waxa ay horseedday in xamaasadda siyaasadeed ay heegada ku laalanto. Ifafaale aan wanaagsanayn ayaa soo baxay. Iska hor imaad in uu dhaco ayaa laga cabsaday.

 

Si xiisadda aloosantay loo dejiyo, waxa is-xilqaamay ergo dhexdhexaadin ah, una tegay madaxda Xisbiga Kulmiye.Ergada ka socota guurtida oo uu Xaaji Cabdi ka mid yahay ayaa waanwaan iyo wada hadal  la galay madaxda KULMIYE, ugu dambayntiina hoggaankii Xisbiga Kulmiye waxa uu qaatay go’aan waddaniyad iyo maamuus leh oo soo af-jaray cakirnaantii siyaasadeed. Axmed-Siilaanyo waxa uu ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay khilaafkii ka taagnaa natiijada doorashada, oo uu aqbalay natiijada la baahiyay. Go’aankaas waxa uu Axmed-Siilaanyo ku helay taageero baaxad leh iyo taariikh habboon, taas oo ah in uu noqday badbaadiye dalkiisa aan u horseedin burbur iyo macallin bulshada bara in mar kasta in danta guud la daryeelo. Waxa uu saamaxay dhammaan dadkii loo tuhunsanaa in ay ka qayb-qaateen wax-is-dabamarinta doorashada. Mar kasta waxa ay Shukri iyo guddigaasi qabteen hawl mudan bogaadin.

La soco qaybta 4aad haddii Alle idmo


Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Maamulaha Dugsiyada Maroodi-jeex, xubin ka tirsan Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Comments are closed