|

Hal askari oo ku Dhintay Iyo Mid ku dhaawacmay Kadib Weerar dablay ku qaadeen Ciidanka Qaranka ee Deegaanka Kala-baydh ee G.Sool

Kalabaydh, (06.July 2015 (SDN/QJ)- Ugu Yaraan hal Askari, ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay, kaddib markii dabley aan la aqoonsan ay rasaas ku fureen ciidamo ku sugnaa deegaanka Kala-baydh oo 30-km galbeed kaga aaddan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.


Cabdi Aadan oo ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Askari dhintay, mid kalena uu dhaawac culus soo gaadhay, loona Qaaday dhinaca Magaalada Laascaanood.”Waxaanu maqalay rasaas xilli aanu ku jiray Salaaddii Taraawiixda, markaan tagnay halkii ay wax ka dheceenna waxaa naloo sheegay in Askari Ciidammo kuwa Somaliland ka tirsan oo kasoo baxay magaalada la weeraray,” ayuu yidhi Cabdi Aadan.

Illaa hadda ma jirto Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, maamulkuna weli kama aysan hadlin dhacdadan, balse waxay sheegeen in ninkii dhaawacmay loo qaaday Magaalada Burco.

Kalabaydh SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed