Hal Askari Ku Dhintay Tiro Kalena Way Ku Dhawacmeen Iska Hor Imaad U Dhaxeeya Ciidamada Booliska Puntland Iyo Dablay Hubaysan Gudaha Magaalada Garoowe
Garoowe 13-11-2012-(SDN)-Hal Askari ayaa ku dhintay halka ay sadex kalena ku dhaawacmeen ka dib markii ay ninman hubaysani ay raasaas ku fireen Ciidamada Booliska ee Maagalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntlad.
Dhacdani oo saaka aroornimadii ka dhacday xili ay Ciidamada Booliska ee Magaaladu ka wadeen howl galo ay Dowlada Hoose kaga rarayso dad ku ganacsada dhul ah hanti guud .
Duqa Maagalada Garoowe Md Cabdicasiis Nuur Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in ay dolwada hoose ee degmadu ay mudadii dambe ku mashquulsanayd sidii ay uga rarilahayd dad degen dhul hanti guud ah waxaa kale oo Maayirka Magaalada Garoowe waxaa uu xaqiijiyey dhimashad hal askari iyo sadex dhaawacmeen askarta dhawaco soo gaadhay oo mid ka mida dhaawiciisu halis yahay sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Duqa Maagaladu .
Maayir Maagalada md Cabdicasiis Nuur Cilmi oo dhacdani ka hadlaya waxaa uu yidhi “ayaamanba waxaa jiray hol galo ay Dowlada hoose kaga raraysay dadka sida sharcidarada ah u degen dhulka hantida guud ah ,saaka aroorinamda yaa ninman sandaq ku haysta meel dhul dowladeed ah waxaa ay rasaas ku fureen Ciidamada Booliska waxaana dhintay hal askari halka ay sadex kalena dhaawacmeen midbaana dhaawaciisu culus yahay ninmankii falkan gaystay mid ka mida gacanta ayaa lagu hayaa labana way baxsadeen oo Ciidamada amaanka ayaa ku raad jooga laakiin magaaladu ayuu bay ku jiraan “ ayuu hadalkiisi ku soo koobay Maayirka Maagalada Garoowe Md Cabdicasiis Nuur Cilmi