Abwaan Soomaaliyeed Oo Cabasho Ka Muujiyey Magaciisa Oo Lagaga Been Abuurtay Face-book-ga
Stokholm:May,10,2014(SDN.QJ)-Hal-abuurka Soomaaliyeed ee Mustafe Sheekh Cilmi ayaa cabasho weyn ka muujiyey Been abuurasho dhinaca Face-book-ga ah oo lagu hayo dadka Caanka ah.
Abwaan Mustafe Sh. Cilmi oo ka mid ah Abwaanada soomaaliyeed ee caanka ka ah Geyiga soomaaliyeed, isla-markaana Sugaan-dhaadhiga ah, mana tirsanaa Hoobaladii caan baxay ee Waabari eek a jiri jirey Somalia, ayaa si weyn haatan uga cabanaya in laga Been Abuurtay Magaciisa dhinaca Face-book-ga.
Abwaan Mustafe Sh. Cilimi oo ku sugan dalka Sweden ayaa waxaa uu usheegayaa dhamaan inta magac iyo muuq taqaanaba in uu aanu lahayn wax la yidhaahdo Fecebook, gaar ahaan dadka Soomaalida ah ee isticmaala Fecebooga.
Abwaan Mustafe ayaa Warbaahinta Somalida ka codsaday inay farrintiisan u gudbiyaan bulshada Soomaalida ah si ay u ogaadaan inaanu lahayn wax shaqo ahna ku lahayn isticmaalka Aalada Bulshadu ku xidhiidho ee Face-book-ga.
Ma ah musfate sheikh Cilmi oo kaliya soomaalida dhibaatadu ka haysato been abuurashada Magacooda ee dhinaca Face-book-ga, waxase jira Dad badan oo caan ah, kuwaas oo si cad magacooda loogu adeegsado, iyadoo waliba aflegaado iyo cay lagu isticmaalayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com