Hakad Shalay ku Yimid Diiwaangelinta Madaniga ee Caasimada Hargaysa iyo Cabashada Madax dhaqameedka {DHAGAYSO}
Hargaysa 28.Sep 2014 (SDN/QJ)- Sii socoshada diiwaangelinta Madaniga ah ee dalka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi-jeex ka sii socon lahayd Sabtida Shalay, ayaa fashilantay ka dib markii Musuqmaasuq dhinaca dhaqaalaha ah oo lagu leexsaday Kharashkii la isku ogaa in la siiyo ama ay qaataan dadka ka shaqaynaya ee ka hawlgalaya xarumaha wax lagu diiwaangelinayo oo illaa shalay khilaf ka taagnaa.
Shaqaalaha ka hawlgalaya goobaha diiwaangelinta gobolka Maroodi-jeex iyo Cuqaasha oo iyaguna qayb ka ah dadka hawsha fulinaya, ayaa ka cawday Lacagtii ay ahayd inay ku hawlgalaan ee hore la isugu ogaa oo meesha ka baxday, ka dib markii bilawga tijaabada diiwaangelinta Madaniga ah Hargeysa ka bilaabmay Khamiistii inna dhaaftay oo ku beegnayd 25-kii bishan.
Dadkan ka Shaqaynaya diiwaangelinta Madaniga ah, ayaa markii hore loo sheegay inay maalintii ku shaqayn doonaan lacag illaa afartan Doollar ah, hase-yeeshee, waxa soo baxday in Khamiistii Shan shan Doollar la siiiyey dadka ka shaqaynayey diiwaangelinta oo u badan dhalinyaro iyo Cuqaasha oo iyaguna qaybta xaqiijinta Muwaaddiniinta u fadhiya goob kasta oo ay diiwaangelintu ka socoto, waxaanay Cuqaasha qaarkood sheegeen in la yidhi; ‘ku hawlgala lacag saddex doollar gaadhaysa’, taasoo ay sheegeen inaanay ahayn wax u qalmi kara karaamada iyo shaqada ay qabanayaan, wax la isku ogaana aanay ahayn taasi.
Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex Rashiid Axmed Maxamed, ayaa natiijada shir uu la yeeshay Cuqaasha cabashada muujiyey ay Suxufiyiintu wax ka weydiiyeen, isla markaana sheegay inay ka heshiiyeen cabashada jirtay ee dhinaca dhaqaalaha ku saabsanayd.
Balse, taa beddelkeeda Afhayeen u hadlay Cuqaasha kharashka ay goobaha diiwaangelinta madaniga ah kaga hawlgalayaan oo la yidhaahdo Caaqil Siciid Cabdi Jaamac oo isagana ay Warbaahintu wax ka weydiisay waxay ku heshiiyeen Maamulka gobolka, ayaa sheegay haba-yaraatee inaanay jirin wax ay ku heshiiyeen, isla markaana ay Cuqaashu diideen inay ku hawlgalaan lacag saddex Doollar qaddarkeedu yahay oo loo sheegay inay ku shaqeeyaan, hase ahaatee, ay weli war ka sugayaan Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan Wasaaradda arrimaha gudaha Masuuliyiinteeda iyo Guddiyada Madaxweynuhu hore ugu magacaabay diiwaangelinta Madaniga ah, ayaa u muuqda kuwo durba ku fashilmay hirgelinta diiwaangelinta oo ay muddo dabada ka riixaysay Xukuumaddu, maaddaama oo ay cabashooyin musuqmaasuq iyo dhaqaale yaraan la kawsatay, iyadoo hore u ballan-qaadday inay hayso dhaqaalihii guud ahana lagaga hirgelin lahaa diiwaangelinta dalka oo dhan.
Waxa sidoo kale, aan illaa hadda la ogeyn halka ay Wasaaradda arrimaha gudaha ee masuulka Xukuumadda iyo Qarankaba uga ah qabashada diiwaangelinta Muwaaddiniinta halka ay marisay dhaqaalihii loogu talo-galay wacyigelinta dadweynaha, taasoo ay ahayd in Warbaahinta qaybeheeda kala duwan lagu faafiyo farriimo Shacabka lagu fahansiinayo diiwaangelinta muhiimaddeeda, qaabka ay u qaadanayaan iyo waajibaadka looga baahan yahay Muwaaddinka, hase-yeeshee, waxa loo arkaa inay lacagtaas la aammustay Wasaaradda arrimaha guduhu.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WAXYAABAHA LA ISKU HAYSTO
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Cabashooyinkadiiwangelinta.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com