|

Haka fikirin sida aad shaqo u heli lahayd ee ka fikir sida aad shaqo u abuuri lahayd

Haka fikirin sida aad shaqo u heli lahayd ee ka fikir sida aad shaqo u abuuri lahayd run ahaan marka fikirkan la sheegayo waa macquul lakiin dhaliyrada meelkasta oo ay calamka ka joogaan kolay iyaga ayaa isku daya in ay shaqo radiyaan lakin waxa aan ku soo dhaweynayaa in ay ka fikiraan sida ay shaqo u abuurilahayeen

waxa runtii xusid mudan waxyaalaha faraha badan ee laga shaqeeyaa in aanay meelkale ka iman ee ay shaqsiyaad maskaxdooda ka keeneen dabadeed ay ku dhaqaaqeen una samreen guusha ilaa ay ka hantiyeen ay wadeen.

waxa loo bahanyahay hadaba medane ama marwo in aynu ka fikirno sida aynu uga shaqaysiin lahayn maskaxdeena iyo xoogeena oo mida ee ay ka dayno ka dhalinyaro ahaaneed xoogan aynu ku koobanahay wa run oo maskaxaxu way kala duwan yihiin sida ay wajiyadeenu u kala duwan yihiin waxa badan inta aminsan in shaqada lagu meelgaadho ma odhan karo waa fikir qaldan lakin waxa an dareemay in laga saxsan yahay hadaba akhriste isku day in aad ka fikirto ila inte ayaad ka fikiri karta suurto galnimada in ad abuurtid wax cusub oo ad u samirtid ila oo ad ka guulaysatid

waxa xusid mudan in ay jiraan dhaliyaro badan oo isku dayeysa in ay tahriiban si ay dadkooda iyo dalkooda wax ugu qabtaan haday tahay aqoon iyo maalba lakin wali waxa aanay isku dayin ku waasi in ka fikiran sida ay shaqo u abuuri lahayeen kaliya waxa la odhan karaa dhaman dhalinyartu waa in ay isku duubnadan fikirka wadagaan gudo iyo dibadba waayo waxa dhici karta midi dhaqaalaha ayaa uu samayn yaqaanaa midi hawsha ayaa uu mamuliyaqaanaa midi isaga hawsha qaban yaqaana isku soo wada duubo anoo tayda ka bilabaya waxan inagu soo dhawaynayaa in ay bal yara dul istaagno oo qofwalba is waydiiyo sided shaqo u abuurtaa khasatan dhalinyada

waxa sidoo kale xusid mudan inta jamacadaha ka soo baxaday sanadkan ee tiradii sanadkii hore ka  badan iyo inta soo socota hadaba dhalinyaroy ma isledihiin waxa aan leyahahay oo ma ila fahanteen in lo bahanyahay dhalinyaradu in ay maskaxda malaan kolay hawli kuma yaree iskana dayaan mesha dhaw ee ay wax ka eega yaan sida tahriibta oo noqotay in aan maskaxda laga shaqaysiin qaadka oo noqday in fikirka dhabta ah laga mirqaamo lagana qadiroodo shaqale nimada oo noqotay in ad xogaga hurtid lakin maskaxdii iyo xogii anay wada shaqaynin waxan leeyahay waxa aynu ubahanahay fikirdhab ah iyo is ahaansho dhab ah mahadsanidin

Axmed xuseen maax tell: 4421547/9130707

Comments are closed