Hadii Yemen Laga Soo Qaxayo Waxaa Jira Qaar u Tahriibaya DAAWO
Burco 14.July 2015 (SDN/QJ)-Dalka Yemen oo kamida wadamada ay dagaaladu ka dilaaceen ayaa waxa isa soo taraya qaxoontiga weli kasoo qulqulaya wadankaas, waxaana weli kasii daraysa xaalada nabada ee dalka Yemen iyadoo laga soo dayrinayo xaalada bini aadanimo ee dadka qaxoontiga ah.
Hadaba Dalka Barakacu hadheeyey ayaa waxa dhanka kale taas barbar socda dadka iyagu usii tahriibaya Yemen kuwas oo weli kusii qulqulaya halkaas, Oromo qaxoonti ah ayaa lug ku tagaya Magaalada Boosaaso si ay usii raacaan doonyaha kasoo daad guraynaya qaxoontiga Yemen.