|

Hadhiimo sharafeed loo sameeyay Golihii Hore ee Deegaanka,iyo kuwa Cusub ee Caasimada Hargaysa

 

Gudida horumarinta degmooyinka  Maxamud Haybe iyo Sallaxley ayaa hadhiimo  sharafeed ugu sameeyay Huteelka Star Golaha Deegaanka ee Cusub iyo Golihii hore ee deegaanka .

Munaasibadan waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr Xuseen Maxamed Maxamud Xoog, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse,Maayarkii hore ee Caasimada iyo Xubnihii Golaha Deegaanka iyo Maayarka Cusub iyo Golihiisa deegaanka,Cuqaal iyo Marti sharaf kale.

Cali Ibraahin Cali Sanyare oo ahaa Wasiirkii hore ee qorshaynta qaranka isla markaana ah Gudoomiyaha Gudida Horumarinta degmooyinka  Maxamud Haybe iyo Sallaxley  ayaa  sheegay inay si hagar la’aan ah ula shaqaynayaan Maamulka Cusub ee Golaha Deeganka .

Maayarkii Hore Caasimada Hargaysa Eng Xuseen Maxamud Jiciir oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay waxqabadkii golaha deegaanka ee uu gudoominayay ay ka fuliyeen caasimada hargaysa .

Maayarka cusub ee Golaha Deeganka ee Caasimada Hargaysa Eng Yuusuf Warsame Siciid ayaa isaguna qiray waxqabadkii u hirgalay golihii ka horeeyay ee ay badaleen waxaanu xusay inay halkaas ka sii amba qaadi doonaan hawlaha ay ku horumarinayaan Caasimada hargaysa .

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr Xuseen Maxamed Maxamud (Xuseen Xoog) iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa u mahadceliyay Gudidda horumarinta ee degmada Maxamud Haybe ee hadhiimo sharafeedkaas soo qaban qaabiyay waxa ay eebe uga baryeen in Maamulka Cusub uu u fududeeyo Waajibaadka Qaran ee hor yaala iyo sidii ay caasimada uga dhigi lahaayeen mid la tartanta caasimadaha kale ee adduunka .

Waxaa kale oo madashaasi ka hadlay Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaanbiir

Hargaysa SDN

 

Comments are closed