|

HADEY BIYO WAAYEEN MA LIIN BAY WAAYEEN, MAXEY LA QAYLINAYAAN?

Salaan qiimo badan ka dib..

Mukhluuqadka Alle abuurey, marka laga  tago hawadA Oxygenta ee neef ahaanta u qaataan, waxaa u soo raaca ee qofku aanu 24 saac ka noolaan karini waxa weeye biyaha oo la sheego in qofka bini`aadmka ah jidhkiisa 50%-70%, ay biyo yihiin.

 

Somaliland oo aynu sheegno iney Somalia inteedada kale ka go`day, taheyna dal madaxbaan balse nasiib daro aan meelaba aduunka loogu aqoon, inuu jiro dal Somaliland la yidhaahda, ayaa mudadii aynu iska sheegnay ineynu nahey dal madaxbanaan waxaa hada laga jooga 23 Sano. Mudadaa intaa leeg oo hadii ay dhab inaga tahey ineynu ka rumeyno riyadeena beenta ah, aynu wax badan qaban kari laheyn, ayaa keliya waxa aynu qabsaney waxa weeye Qaybaaladii oo dadka lagu sii cashariyey, musuqii oo kii Siyaad Bare boqol goor ka badatey, fusuqii oo sii laba laxaadsadey iyo hami beeni, hadal aan waxtarin oo lagu naaloodo.

 

Haraaryada neefta

Hantaatac ergeynta

Hagaas caga jiidka

Walaac haghagoodka

Tawaawac higoodka  

Hamuun taltalowga

Calaacal hungowga

Heshiis macaluulka

Wadooyin salsalaaxa 

Guulawade wax u sheega

Suldaamo habeynta

Qabyaalad sameynta

Hadhuubada daatey

Hareero ka leefka

Higaada shanleyda

Halkaan ka abaarey

Hadhuudhku Caraale

Hunfo hufmi waaye

Maxaad kala haadin (Hadraawi  Hambaber oo la nasaqey ama la badelay)          

 

 

Biyaha ayeynu  ka hadleynaye magaalada Hargeisa oo hada dadka ku nooli aaney kolba ka yareyn 1000.000 (Hal million oo ruux) ayaa biyo galinta ku jirta xiligii la sameeyay waxaa markaa dadkii ku  noola ee biyo gelintaa loogu tala galey lagu sheega in aaney ka badaneyn 50,000 (Konfton kun oo qof). Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya khalqiga ku nool magaalada Hargeisa iyo awooda Biyo gelinta ee magaalada sidaa darteed waxaa dhacdey nasiib daro ah in dadka magaalada ku nool 70% ay ku tiirsanaadaan booyado iskood u shaqeysta oo biyaha ka keena meelo magaalada fog fog. Biyahaas oo ah qaar aan caafimad ahaan fiicaneyn balse dani ku badey ah ah ayaa waxaa dadku iskaga fadhiyey iney Booyadaha biyaha ka iibsadaan

 

Dawlada ama maamulka hada ka jira Somaliland arimihii ay sida weyn ugu dhaaran jirey iney wax ka qaban doonaan xiligii ay Kuraasida xaaranta lagu cuno ku soo haliilayeen waxa ka mid ahaa,iney Biyaha Gaadhsiin doonan magaalada Hargeisa oo dhan.

Marka horeba qofkii rumeystey waxa uu ahaa qof caqli gaab ah, waayo? Ninku waa kuma iyo horta nimanku waa kuwee ayaa meesha taaley.

 

Beenta loo sheegay run baa uga danbeysay oo biyo iyo baad toona may faa`iidin ee iyadii ayey sii feenteen kuwii meesha la wareegay . ”HADEY ROODHI WAAYEEN MA KEEK BAY WAAYEN” Waxaa erayadaa laga sheegayey iney tidhi, Gabadh yar oo aragtey dad Gaajo daacaya oo Roodhidii ku qaali garowdey lakiin iyadu haysatey xoolo xaarana oo aabeheed u dhaqey.

 

Maanta waxaa ka dhigan ninka cashuurta ku kordhiyay Booyadihii biyaha u soo dhaamin jirey dadka masaakiinta ah oo kunka goor la abuse gareeyay.. Waxaana laga soo xigtey inuu yidhi ”HADEY BIYO WAAYEEN MA LIIN WAAYEEn MAXEY LA QALINAYAAN”.

 

Gebgebadii runtii waxey aheyd in booyadaha biyaha keenaya la siiyo bilad sharafeed iyadoo weliga laga caawinayo iney si hawl yar uga soo dhaamiyaan ceelasha ay biyaha ka keenaan, lakiin Runtii waxey noqotey in la sii cadaabo oo cashuuro iyo lacago lagu tamashleeyo laga sameeyo!!!!!!!!!.

Waagow dhaqso

Dhaqsoaawalac dhahoo

Cadceeday warmaha

Ku cadeeda wadada.

 

 

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

Oslo Norway

Comments are closed