|

“Haddii ay cidi doonayso inay Xisbiga ku urursato cid durbaanka u tunta suuurtobi mayso,haddii ay xisbiga cidi carqaladaynaysana waa ciddii markii horena tartanka ka diiday ….” Wasiir Xuseen Axmed Caydiid

Hargyesa:May,25,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ku faanay inuu yahay  dadkii dhidibada u aasay Xisbiga kulmiye, isla-markaana uu  tacab iyo Dedaal badan geliyey sidii uu xisbigaasi u gaadhi lahaa  Heerka uu maanta taagan yahay.

cadaaWaxa uu  Wasiirka oo warbaahinta Maalintii shalay ugu warramayey Magaala Hargeysa, waxa sidoo kale dhibka Haysta xisbiga Kulmiye Dusha ka Saaray Hoggaanka Xisbiga.

Wasiir Xuseen Axmed Caydiid waxa uu xusay in Madaxda Sare ee Kulmiye ay doonayaan inay Xisbiga si gaar ah ugu  ururiyaan Taageerayaal iyaga gaar u ah, taasna aanay yeelayn oo diidan yihiin, kana soo Horjeedaan, isla-markaana ay qaadayaan Tallaabooyin uu sheegay inay Xaq uleeyihiin,

 

“Haddii ay cidi ka doonayso  inay  Xisbiga ku urursato cid durbaanka u tunta suuurtobi mayso, ta laga didayaa waxa weeye inaanu is  hortaagno  inay cidi ka dhigato xisbiga Gole Sacab. hadday  taa tahay dayn mayno waana ku wadnaa waana qaadnay Tallaabooyin caynkaas ah xaqna waanu u leenahay inaau qaadno, haddii ay xisbiga  cidi carqaladaynaysana waa ciddii markii horena tartanka ka diiday in lagu tartamo ee tidhi  halla iga hadho oo  halla ii caleemo saaro ee Geed gaaban iyo geed dheerba iskugu taagto inay kolna qabiil kiciso, kolna xisbiga kiciso kolna madaxweynaha ku oroddo, kolkay tii dhacdayna in cay iyo Aflegaaddo ay noqoto waxa laga dheefaa runtii waa Nasiib darro.” Ayuu yidhi Wasiir Xuseen Axmed Caydiid.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay Hoggaanka Xisbigu ku Qasban yihiin inay Aqalaan Go’aamada ay Guddida shirweynihii Saddexaad ee Xisbigu soo saareen, maadaama ay haysteen Awood shirweyne.

Wasiir Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka mid ah Xubnaha Golaha wasiirrada ee sida weyn uga soo horjeedda Siyaasadd Hoggaanka Kulmiye, isla-markaan Aragtida qayaxan kala hogtaga Guddoomiye Xisbiga oo inta Badan Xubnaha Golaha Wasiirradu aanay ka hor iman.

 

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed