|

“Haddii Aanay Jirin Wax Ay Xukuumadda KULMIYE Qarinayso, Masiirka Somaliland Ka Wayan Wax….” Axmed Muunin Seed

Boorama 03.March 2015 (SDN/QJ) Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed ayaa naqdiyay wadahadalada Somaliland iyo Somaliya ay ku yeelanayaan dalka Turkiga, gaar ahaan hadalada ka soo yeedhaya Madaxda Waftiga reer Somaliland uga qayb galaya wadahadaladaas ee ku aadan in ay ka biyo diidsan yihiin soo hor fadhiisiga saraakiil kale oo degaanada Somaliland ka soojeeda oo la socda Wafdiga Somaliya, sidana waxa uu sheegay Gudeemiye ku xigeenku mar ay shabakadu kula xidhiidhay khadka Taleefanka.

AXMED MUUMIN SEEDHorta sida uu xaalku hada yahay marka laga cabir qaato, Wada-hadaladaasi waa kuwo uu mugdi badani hadheeyay oo aan wax micno ah u samaynayan umada reer Somaliland, sababtuna waxa ay tahay iyada oo la og-yahay in ilaa hadaba aanay midho dhalin oo aanla fulin qodabadii is-aragyadii hore lagu gaadhay… Iima muuqato sabab ay xukuumada Kulmiye lacag ugu bixiso safar kale oo Turkiga ah iyada oo ay intii horaba fashilan tahay, balse xukuumadan ayaa ah mid ay madaxdeedu caadaysteen inay safaro dalxiis ah oo kan maanta ay Turkiga ku joogaan oo kale ah ku baxaan” Ayuu yidhi Md. Seed.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu intan raaciyay “Waxa kale oo la yaab leh in ay Wasiirada ay dawladu dalxiiska ugu dirtay Turkigu yidhaahaan ragga naga soo horjeeda hadii aan laga saarin kuwa ku abtirsada degaanada Somaliland, hoolka wada hadalada soo gali mayno… Waxa aan leeyahay Masiirka umada reer Somaliland waa ka wayn yahay mid qof iyo laba meesha ay doonaanba ha ka soo jeedaane looga habrado, waa mid ay umadu hore u gaadhay oo aan gor-gortan lahayn in ay Somaliland taay dal madax banaan oo Somaliya kala go’ay”

“Mida kale raga la sheegayo in ay Somaliland ka soo jeedaan ee ay Somaliya la socdaan maanta, qaarkood waxa ay hore u joogeen Somaliland, danta ay doonaana ha u tagaan Somaliya’e waxa ay ka faa’iidaysteenwaxa ay tahay dabacsanaanta Siyaasadaha xukuumadan Kulmiye ee ku wajahan Somaliya, waxa ay fursad ka heleen nidaamka maanta uu kulmiye dalkan ku hagayo ee umada dhaxalsiiyay Cadaalad darada, musuqmaasuqa iyo qabyaalada ay dhalinyaradii dalkan wax u bartayba maanta ka tahriibayaan, siyaasiyiintii reer Somaliland ahaydna ay noqdeen kuwo Somaliya isku dhiibay oo markii Turkiga la iskugu tagayna Xukuumada Kulmiye ay u aragtay inay caqabad ku yihiin masiirka Somaliland, Waxa ay ahayd in marka horaba Wafdiga reer Somaliland ee hor fadhiisanaya Soomaaliya laga dhigo mid loo dhan yahay oo dunida ka iibsamaya, isla markaana tusa cid walba in ay umadan oo isku duubani rabto in ay masiirkeeda ay horeba u go’aansatay walaalahooda Somaliya iyo caalamkaba la wadaagaan” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenku.

“Hadii aanay jirin Ajande qarsoon oo meel ka dhac ku ah aayaha umada reer Somaliland oo ay Wasiirada reer Somaliland wataan, misena ay qabaan tuhun ah in hadii ay ragga reer Somaliland ka soo jeeda hor fadhiistaan xantoodu waxa ay habeenimadaba soo gaadhi doontaa Hargaysa, Boorama, Burco, Laascaanood, Ceerigeebo iyo magaalooyinka kale ee Somaliland, waxa aan leeyahay Masiirka umada reer Somaliland waa mid aanan maanta mugdi ku jirin, isla markaana aan u baahnayn in mugdi la galiyo, oo loogu marmarsiiyoodi=o hebel iyo hebel hor fadhiisan mayno, waa mid cad oo ay umadu hore u goosatay, maantana loo baahan yahay in Cadaan iyo Madaw, Gaal iyo Islaam, Somaliland iyo Soomaali midnaba aanan lagala gaban in loo sheego oo la hor dhigo in shacabka reer Somaliland ay qaranimadooda si kalsooniyi ku jirto oo dhiig ku daatay ay ula soo laabteen, dunidana ka sugayaan in ay ictiraafka ay xaqa u leeyihiin ugu dhawaaqaan” ayuu hadalka ku soo afmeeray Md. Axmed Muumin Seed

Boorama SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed