|

“Hadda ma jirto shabaab hub sita oo fariisin ku leh magaalada, Marka waxa ay magaalada ku soo galeen qaab dhuumaaleysi ah” Wasiirul Dawlaha Arimaha Gudaha Somalia

Muqdisho 18.Aug 2013 (SDN)- Kulan looga hadlayay xoojinta amniga, islamarkaana lagu kala warqaadanayay ayaa maanta lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ka qayb galeen Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Maamulka Gobolka iyo guddoomiyayaasha 17-ka degmo ee gobolka.

Kulanka oo ahaa mid warbixino lagaga dhageysanayay Guddoomiyayaasha 17ka degmo ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa amniga, loogana hortagi lahaa falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha maleeshiyaadka Al shabaab, iyadoo dhamaan ka qayb galayaasha kulanka la istusay sida ugu macquulsan ee amniga lagu xoojin karo.

Ugu horeyn hadal uu goobta ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayuu ku sheegay in guddoomiyayaasha degmooyinka looga fadhiyo in ay muujiyaan doorka kaga aadan wax ka qabashada dadka falalka amni darrada ah ka fulinaya Gobolka, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka qayb qaataan amniga oo ay hay’adaha ammaanka ku wargeliyaan cidda ay uga shakiyaan falalka lidka ku ah nabadgelyada .

Sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mahad Maxamed Cali waxa uuna daboolka ka qaaday in ay lagama maarmaantahay ka shaqeynta amniga iyo sida loo xoojin karo, isagoo intaa ku daray in u jeedada kooxaha nabad diidka ah ee Al shabaab ay tahay sidii ay qal qal u gelin lahaayeen amniga, oo ay bulshada ku cabsi gelin lahaayeen falalka ay sameynayaan.

“Hadda ma jirto shabaab hub sita oo fariisin ku leh magaalada, Marka waxa ay magaalada ku soo galeen qaab dhuumaaleysi ah taasi waxa ay na tuseysaa in ay doonayaan oo kaliya kudhufo oo ka dhaqaaq, marka waa in aan u istaagnaa sidii looga hrotagi lahaa falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al shabaab” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.
Kulanka ayaa ku soo idlaaday sidii loogu talagalay.

Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed