Hadaladii uu Muse Biixi Ka yidhi Ka tanaasulka Mowqifkiisa waxay ahaayeen Hadalo aan mariimneyn oo aan macne badan laheyn
Islaan reer miyi aheyd ayaa reerkeedii oo yara digo roganaya Awrkii ay awrteeda ugu jecleyd waxoogaa gur-gur culus ah oo aan dheeli tirneyn gundhada udhigtey oo ku tistey.Kadibna Awrkii ayey si ay udheeli tirto ku tidhi ” Samey-Sameyso ” awrkii ayaa dhaqaaqi waayey oo xadhkihii oo isugu jira ceyntii iyo baydii ayaa ugiijismi waayey.
Inta ay Habartii yaabtey ayey istidhi awrka bal kici iyada oo leh ” tar-tar-tar ” awrkii ayaa kici waayey markaasey Habartii Qaylo ka wadhey iyada oo leh ” Alleh Sheikh abdi qaadirow -sheikh a/qaadirow sheikh allow karamadaada noogu kici ” kadibna Awrkii ayaa markiiba kacey, inan yar oo ag-taagneyd oo habartu Ayeeyo u-tahay ayaa Islaantii ku tidhi Ayeeyo horta shiikhan wanaagsan ee Awrka markiiba inoo kiciyey hayb-ahaan maxeynu isu nahay? Islaantii ayaa intey qososhey inantii yareyd ugu jawaabtey Ayeeyo dee waxba isuma nihin’e Awrkeena ayuunbeynu ku kacsaneyney. Markaa horta Muse Biixi wuxuu iska garan waayey in awrka lagu kacsanaayey oo Salaankii madaxnimo lagu fuulaayey, inta uu xil-wasiir uhalqaltaageyna Siilaanyo wuu ka masuugey isaga oo weliba Muse codkii ugu badnaa ee Madaxtooyada lagu fuuley soo xero geliyey. Kabidna markiiba Muse wuxuu giir askarinimo isaga yara kiciyey Madaxweyne Siilaanyo oo isna markiiba ku wareejiyey Gudomiyenimadii Xisbigii oo naftii ka baxdey oo qalfoof ah oo hoosta ka xordan ka dib markii uu noqdey xisbi lagu maraad qumistey oo lagu fuuley kursigii uu Siilaanyo sufurta iyo Siigadaba u soo huwadey mudada dheer.
Tanaasulka uu maanta Muse u Muujiyey Siilaanyo oo mar hore iyo maantaba dhowr geedi oo gibishu uxidhan tahay ku soo guurey Muse Biixi, wuu ku deg-degay Muse maanta oo waa goor ay xeedho iyo fandhaalba kala dhaceen oo xisbigiina kala aamin baxey oo beelo ukala miirmey taageerayaashii Musena qaarna Shaanidii qaraxdey loogu mar marsoodey qaarna Sawirkiisa lagu xidh-xidhey, Taas oo ay Taageerayaashii ay noqdeen qaar xaqiran oo Muse utirsanaaya Wacad fur , Godob iyo dhabar toogasho aaney filaneyn oo Muse kula kacey. Waxaana laga dhawaajiyey in ay qaar weli uxidhan yihiin xukuumadan hadhdacaarka ah. Hadaladii uu Muse ka yidhii Goobtii uu ku cadeynayayey Tanaasuladiisa ayaa iyagana loo qaadan karaa Hadalo aan mariimneyn oo aan macne badan laheyn taas Mujaahid Muse Biixi uu Taageerayaashiisii iyo shacabka reer JSL uu u cadeeyey in uu yahay Askari Siyaasadii ku haftey oo noqdey Rimey Bidaar Rido Gaaban taas oo aan go’aanadiisii male-awaalka noqdey aan dib la isugu haleyn karin. Wuxuu Muuse dhaawacay mustaqbalkiisii Siyaasadeed, mawqifkiisii shaqasi-ahaaneed iyo Mabaadiidiisii uu mudada dheer ku taamaayey oo iyaguna maanta ku soo ururey gabno aan dhiiqin, gudhniin iyo gaagax.
Maadaama uu Sanadkii la soo dhaafey oo dhan uu Xisbiga Kumiye uu ragaadiyey khilaaf joogto ah oo daarnaa is gaadid, gucle orod, isu guureyn, is weerar, wanjalaad, wale-kurafasho iyo is weeteyn raadkoodii hada sii qoyan yahay, dakharadii la is gadhsiiyeyna aaney weli bogsan Marna Muse Biixi ma noqon karo Gudoomiye darban oo mididiisa afeyn kara kuna xalaaleyn kara go’aamadiisa Gudoomiyenimo ee wuxuu noqon doonaa uun Gudoonshe habacsan oo midi rawis ah mar walba wax ku gawawara. Waxaana aan Xaal ka Siinayaa dhamaan Taageerayaashii Muse ku taageeray Hankiisii Dhicisoobey waxaana aan leeyahay Walaalayaal Waxaad Taageeradiina ula wareegtaan Labada Xisbi ee mucaaridka ah oo aan iyagu idinku wacad furi doonin inshaa-Allah.
Afeef: (Qormadani waa aniga rayigeyga shaqsiga ah, waana la iigu garaabi karaa, layguna diidi karaa, lagana doodi karaa.)
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London