|

Hablaha Somaliland ee Jaamacadaha ka baxay oo Samaystay Urur ay ku bahoobeen.

Hargaysa Febr 5,2013 (SDN)  hablaha aqoonyahanada Somaliland ee ka qalin jebiyey jaamacadaha Dalka ayaa maanta aasaasay urur ay ku midaysnaan doonaan kaasoo ka hawlgeli doona waxbarashada iyo wacyigelinta haweenka somaliland.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen 70 xubnood oo ah hablaha jaamacadaha dalka ka qalin jebiyey ayaa lagu aasaasay ururkaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyey SOWGA (Somaliland Women Gratuate Organization))

Kulankan oo lagu qabtay Hotel maansaoor ee Magalada hargaysa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ururada samafalka iyo horumarinta ee wadaniga ah iyo qaar ka tirsan hay’adaha caalamiga ah .

Marwo Amran Cali Xiis iyo Marwo faadumo siciid oo ka mid ah haweenka khibradda u leh abaabulka aasaasida urur haweeneedada ayaa sheegay inay talaabadan lagu aasaasay ay tahay mid muujinaysa guusha iyo horumarka isku xidhnaanta haweenka somaliland ay gaadheen, waxayna u rajeeyeen ururkan cusub inuu nuoqdo mid haweenweynaha somaliland u noqon doona mid ay leeyihiin oo danahooda isu taaga.

Gudoomiyaha urur haweeneedka SOWGA Marwo Wardah Muxumud Cabdi ayaa munaasabadaas ka sheegtay in haweenkii aasaasay ururkani ay u arkeen in loo baahan yahay in kor loo qaado aqoonta iyo waayo aragnimada ay haweenku u leeyihiin ka qayb qaadashada arimaha wadanka wacyigelin buuxdana laga siiyo dhibaatada ay leedahay hablaha waxbarashada ka taga.

Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo Arimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo munaasabadda ka qayb galay ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey waxa uu soo qaatay murtida odhanaysa haddii aad inan wax barto qof baad wax bartay, hadii aad gabadh wax bartana ummad baad wax bartay.

Md garaad waxa uu sheegay in haweenku ka faa’iidaystaan tirada iyo tayada ay ku leeyihiin mujtamaca, isla markaana isticmaalaan aqlabiyadooda xiliyada loo codaynayo doorashooyinka dalka ka qabsooma taasoo ay ku heli karaan xuquuqaha siyaasadeed ee ay dalbanayaan.

Wasiirka wasaaradda Qoyska Somaliland Md Garaad waxa uu ballanqaaday in xukuumad ahaan ay is dhinac taagan urur haweeneedkan cususb si himiladooda ay uga midho dhaliyeen, waxana uu ku booriyey inay samir u yeeshaan culayska ay leedahay hawsha ay isu xilsaareen isla markaana kaashadaan cid kasta oo wax la qaban karta.

Hargaysa SDN.

 

 

 

Comments are closed