Habeenki xalay ahaa oo xafladii 18 may ee abid ugu balaadhnayd ay kaqabsontey dalka Uganda caasimadiisa kampala+ waxyaabi dib uu dhaca ku keenay +sawiro
Kampala May 23,2014(SDN/QJ)-Waxa habeenki xalay ahaa laga xusay dalka Uganda maalinti ay qaranimada Somaliland lasoo laabatay jiritankedi ilaa qamamurta 18 may ,xafladan oo ahyd abid midi ugu balaadhnayd ugu tunka waynayd ee ka dhacda dalkan Uganda gaar ahaan caasimadiisa kampala xafladan oo looso abaabulay qaab aad u heer sareeya madaxdan ka soo qayb gashay waxay kalaaheyd
guddomiyaha jaliyyda Somaliland ee dalka Uganda Md abdi risaaq Mohamed daaud cigaal
guddomiyaha ardayda Somaliland ee dalka Uganda farxaan mohamud shirdoon
guddomiyasha saddexda xisbi qaran
Md khaddar bitijor gudomiyaha xisbiga ucid
MPA. Ahmed abdi Ibrahim guddomiyaha xisbiga kulmiye
gudomiyaha xisbiga wadani abdi samad
sido kale waxa ka mid aha marti sharafta madasha ku sugnayd
guddomiyaha sonyo saddam iyo ismail xandule oo xaflada role aad u mihiim ah ka ciyaaray isna waxa door aad uu tunwayn ka ciyaaray musharaxa madaxweynaha xisbiga ucid Dr abdi rashid hassan mataan iyo safiirka Somaliland dalka Uganda Mohamed faroole waxaan Iyana ka maqnayn madasha hogaanka ardayda .
Xafladan ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay guddomiyaha jaliyadda Somalia Ibrahim gadhwayne iyo ku xigenkiisa o si aada logu so dhaweyey si aney ka fileyn reer Somaliland ba idin so dhaweynsido kale waxa madasha ku sugna madaxweynaha barlamaanka iyo golihiisa wasiirada jamacada wayne kampala international university .
Xafladan oo aan qabsoontey 2 casho kadib xiligi loogu talo galay ayaa waxa sababay markay noo cadeeyen hogaanka iyo masuliyinta jaliyada iyo ardaydu ,in shirqool ay uu dhigeen cadowga Somaliland ,kaas oo had iyo jeeraale Somaliland iyo qadiyadeda ku foogan sidi ay dalkan Uganda uga dhici layd malintan ku xardhan quluubta 3.5+ million somalianderska ah,iyado ay marki danbe shacabka xalaasha ah reer Somaliland ee dalkan ku sugani ay heegan buuxa uu galeen sidi ay suurta galin lahayen xuska dabaal daga malintan qaliga ah e 18 maytaas oo ay akhirki ku guulaysteen suurta galinta xuski noqday midki abid ugu waynd kana nixiyeen cadowgi Somaliland maal iyo waqtiba galiyey inanay dib uga dhicin dalkan Uganda, marka laysku soo wada duubo waxa suurta galiyey masuliyiinta iyo hogaanka jaliyada iyo ardayda iyo
dhamaan shacabka xalaasha a ee Somaliland ku dhaqan dalka Uganda iyo jaliyada beesha dir oo Iyana hiil iyo hooba inala garab istaagay door af iyo adin ba leh kala qayb qaatay inay dhacdo xuska 18 may
Hadaba x afladan ayaa waxa lagu furay ayadaha quraanka inta kadibna heesta calanka ayaa mar kaliya loogu saro kacay si ay ilmo ku dheehan tahay iyado ay shuurta iyo farxada wajiyada shacabka Somaliland ku dheehan ay aad uga yaabisay jawiga madasha.
Madaxda jaliayda ardayda hogaanka xisbiyada iyo marti sharafti ka soo qayb gashay ayaa waxay iska daba mareen inay tahay malintani maalin qaaliya dhiig iyo maal farabadanina ku soo baxay ciyaarna aan ku iman mihiimaduna tahay in shacabka Somaliland dalka Uganda ay wada jir kaga baxan xaald walo soo wajahda sida hada oo kale,waxanay halkan uga sheegen inay dib dhaca inagu yimid khayr ba ku jiray waayo way ina sii midaysay uun.
hadabo khudbadaha madaxda ee madasha laga soo jeediyey waxay uu dhaceen sidan .
Ugu horeyn waxa xaflada khudbado ruxay quluubta shacabka Somaliland ka soo jeediyey gudomiyaha jaliyada Somaliland dalka Uganda iyo guddomiyaha ardayda Somaliland ee dalka Uganda waxaana ka mid ahaa hadalkoodi.
Guddomiyaha jalliyada Somaliland waxa uu hadalkiisa ku bilaabay Somaliland waa dad
tashaday kana tashaday ayahoodada ,waa dad samaystay nabad dawlad iyo hananka
dimuquradiyada xisbiyada badan ,waa dad kumidaysan horumarka dalkooda iyo
citiraf radinta ,waa dad jecel inay somaliyana hesho nabad ay kuwarto waa dad aan
kaxumayn wanaaga somaliya hesho ,intaa kabacdi mar uukahadlayay arinta xaflada
idib udhigtay waxa uu yidhi waa shaqsiyad lakhalday oo oo ma odhankarno beel dhan
oo wax inala leh ayaa kudhamaa ee waa dad lagu shaqaystay oo garan waayay wax
wada lahaanshaha iyo wax isku ahaanshaha waxaana kadanbeyay dadkaa dalkeenaba
kawada xumatada ee donaya fawdada amini wayay nabada iyo horumarka jira markaa
waxaanu ku helay arintaa guul iyo midnimo ,waxa uu umahad celiyay madaxwaynaha
Somaliland md axmed maxamed maxamud silanyo iyo marwadisa amina waris iyo
odayashii somaliya ee kaqayb galay 18may ee sida gesinimada leh qiray waxa Somaliland kajira.
Dhanka kale waxa isna micro phonka ka wareegay gudomiyaha ardayda Somaliland farxan Mohamed shirdoon waxanu hadalkiisa ku furtay gudomiyhu gabay aad iyo aad ula dhaceen ka soo qayb galayashi somaliland iyo moralka shacabka Somaliland ku dhiri galinaayo ,waxaanu hanbalyey marka hore shacabka somalailand meel kasta o adunka ka joogan waxa u sheegay inay dib uu dhici xaflada ku sheegay gardaro garab og ama ay baajisay marka dadka leh shaqsiyad baaba jiyey taas ha ogaadan isago tusaale ugu soo qaatay saddex kama tagan xanuun geeri og gaajo guri og iyo gardaro garab og marka xafladenan waxa baajisay gardaro garab og ,dhanka kale gudomiyuhu waxa uu mahad naqay dadki ama masuuliyinti ka qayb qatay inay dhacdo xuska 18 may oo uu ugu horeeyo musharaxa madaxweynaha xisbiga ucid abdi rashid xasan mataan abwan ama siyasi ismail xandule safirka somaliland dalka Uganda Mohamed faroole iyo jaliyada Somaliland iyo ardayda Somaliland xaga uu xusay inay wax gacani kazoo gadhin xaga xukumada ,waxaanu kusoo afmeeray dadka Somaliland u nacabka ah waxaan leeyhy waa dad salad bila wayso ah tukanaaya.
Dhanka kale waxa isna hadal dhiiri galin iyo hoga tusalayn ah madasha ka jediyey ismail xandule isgo sheegay inay Somaliland dhaqaqday dibna anay usoo noqayn Somaliland way helaysa ictiraaf Ayaan idin leyhy ,waxanu ka soo sheekeyey qaabki ay ula soo dabasheen inay kampala ka dhacdo xuska 18 may marki danbana dadaal iyo isku duubni ay cawab ugu dabaal dagayn,waxanu isla sanad gurada ugu hibeyey hees cusub ka hadlaysa qiimaha 18 may oo madashi fananiintu ka qaaden.
Dhanka kale madaxda saddex xisbi ayaa madasha ka soo jeediyey qudbado tariikhi ah waxana ka amid ahaa sidan
Gudomiyaha xisbiga ucid ee dalkauganda khaddar bitijoor oo ku bilaabay marka hore waxaan idinku salamaya salaanta islaamka waxaan uu mahad naqaya madaxda iyo marti sharafta ka soo qayb gashay xuska 18 may oo ku timid dhiig maal farabadana uu daatay kumanana uu god galan lkn waxay inago tagen tacabka iyo quruxda aan mantaba ku dabaal dagayno waa inaad fataxada uu martaan , dhanka kale waxa uu usoo jeediyey shacabka somalialand inay wada jirka ogadan sida maanta oo kale waxanu sheegay ianay cidina somalialnd xuskeeda hor istagi Karin Somaliland waa jiitin adag oo cidi dhaafi Karin kusoo afmeeray.
Waxa sido kale isna madasha qudbad afka English iyo somali isku jirta ka soo jeediyey gudomiyaha xisbiga kulmiye ahmed abdi ibrihim ay aad ula dheceen waxaanu sheegay inay Somaliland uu dhaqaaqday dhabadi horumarka 18 mayna way qabsoontay waanay qabsomaysa hadalkiisa kuso afmeeray.
Dhanka kale waxa khudbad aad u hufan soo jeediyey gudomiyaha xisbiga wadani oo sheegay inay Somaliland ahan ay walalohoda Somalia jecel yihiin horumarkooda lkn Somaliland tahay qaran tashaday 18 may Uganda anay cidi hor istaagi karayn dhacday dhicina doonto somaliana ay bartooda ku cawinayaan hadalki kusoo afmeeray.
Madaxda halka ka hadashay oo badnayd awgeed waxa halka ka hadlay qaar kamida hogaanka jalliyada iyo ardayda iyo gudomiyaha sonyo si wayn uu iftimiyey inay Somaliland cidina waxba yeeli Karin.
Xafladan ayaa waxaan ka madhnayd kooxda daraamada wacdaro ka dhigay hotelka
eqtoraial xuska 18 may ka dhacay habeenki xalay ahaa waxa kale madasha heeso
malinatan ka waramaya hada dawaha laga soo qadayka qaaday fanaanada Ayaan
kampala hadabo kala soco SDNnews warka faahfaahsan iyo sawiro dheerada
OFFICE UGANDA SDN