|

“Haatuf Waxa uu si badheedh ah u aflagaadeeyay Madaxda Qaranka oo aan ku Jiro” Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargaysa 09.April 2014 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa ka hadlay sababta xayiraada loogu soo rogay wargeysk madaxa-banaan ee Haatuf  iyo mataantiisa  Somaliland times ayaa xayiraadaasi ku tilmaamay mid sharciga dalka u yaalla waafaqsan, isla markaana uu wargeyska Haatuf ku xad-gudbay  qawaaniinta dalka u yaalla.

Cali Warancadde, oo Xalay  u waramay laanta af-soomaaliga ee BBC-da waxa uu sheegay in wargeyska Haatuf uu si badheedh ah u af-lagaadeeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, kuwaasi oo uu waxyaabo aan u qalmin, isla markaana laf-jab ku ah qaranka.

 

Warancade2Wasiir Warancadde, oo ka hadlayay sababta ay u xayireen wargeyska Haatuf, waxa uu yidhi “Sharci ayaa dalka ka jira, sharcigaasi muu odhan  jiidha meel kastaba ama ha ahaado joornaal  ka shaqeeya goboladda dalka ama meelo kaleba, dalku qawaaniin ayuu leeyahay, cid qawaaniintaasi ku xad gudbi  kartaana ma jirto, markaa haddii uu qofku danbi galo la iskama xidho laakiin cadwad ayaa loo gudbiyaa, aniguna waxaan ka mid ahay dadka uu aflagaadeeyay wargeyska Haatuf,  oo  aniga oo ah wasiirkii daakhiliga runtii wax aan ii qalmin, dalkan ku noqon karta laf-jab oo ah in uu iska caayo masuuliyiinta, iyada oo wax war ah oo uu og yahayna aanu jirin, waa ayaan daro, markaa la iskama xidhin wargeyska Haatuf ee waxaanu u gudbinay  hay’dihii hawshaasi qaabilsanaa sida maxkamadaha iyo hay’adaha sharciga, sidaas awgeed ayaana lagu xidhay”.

 

waxa kale oo uu sheegay in uu socdo kiiska loo haysto wargeyska Haatuf, “Kiiskuna weli wuu socdaa, markaa wixii uu sheegay ee uu aniga iga sheegay ama madaxda kale ka sheegay  waxaa laga doonayaa in ay cadeeyaan, haddii ay cadayn waayaana sharciga ayaa la marinayaa” ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.

Wasiirku waxa  uu intaasi raaciyay “dawladu ma diidana in la dhaliilo dhaliishayadda waanu ogol nahay in wax laga sheego wixii jira, laakiin waxaan la ogolayn cayda iyo meel kadhaca, beenta iyo isku dirka ee bulshadda dhexdeeda iyo dadka aan danbiga lahayn in uu wax ka sheego, sidaas awgeed anagu waxaanu leenahay ninkii wax wanaagsan sheegaya waanu soo dhawaynaynaa, laakiin ninka fadmada iyo isku dirka, beenta iyo dacaayadda sameeyaa waxa uu waajahayaa sharciga qaranka” ayuu yidhi wasiirku.

 

Wasiirka oo la waydiiyay in qaabka ay u xidheen wargeyska Haatuf  ee ah in shaqaalihii  dibada looga dareeriyay, waxa uu ku jawaabay “Haa sharciga ayuu waafaqsan yahay, xaaladana waxaa keenay danbiga uu wargeysku galay oo lagu xidhay, waxa loo xidhayna waxa weeyi in aan fidmadaasi uu qoray maxkamad lagu gaynayaa, maxkamada ayaana looga yeedhayaa in ay cadeeyaan ayaana laga doonayaa fidmadaasi ay sameeyeen iyo af-lagaadadaasi, haddii ay cadayn waayaana  sharciga ayaa la mariyaa, lama xidhin nimankii waxan qoray, waayo ilaa maxkamada la hor geeyo ay cadayn kari waayaan,  oo  wax laga qoro wixii ay kala kulmaan ayay leeyihiin”.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed