HA LA XAQ DHAWRO NABADGALYADA AYNU KU CAANO MAALNAY
Asalaamu calaykum dhamaan waxaan halkan salaam qaaliay uga dirayaa shacbiga Somaliland guddo iyo dibadba anigoo ah gudoomiyaha dhalinyarada somaliland ee canada,ottawa mr: Mohamed case. wacaan qalinka u qaatay inaan ka yara hadlo dhibaatada ama qaska ka taagan casimada Somaliland ee Hargeisa horta waa marka horee sidaynu lawada socono waxaa ka qabsoontay Somaliland doorashadii golaha deegaanka oo ku beegnayd November 28 /2012 malin arbaca taas oo runtii ay shacabka Somaliland mujiyeen nabadgalyo wanaagsan iyadoo aad loogu farxay qaabkii ay u dhacday hadaba waxaa jirta in malintii shalay guddida komishanka qaranku ay ku dhawaaqeen siddii loo kala helay degmada hargeisa taas oo ay hadhsanayd hargeisa uun oo gobolada kale iyo degmooyinkaba hore loo shaaciyey waxaa lagu dhawaaqay abaaro 5:00 pm galabnimo sacada hargeisa markii ay ku dhawaaqidu dhacday ee la shaaciyey siddii ay xildhibaanadu u kala heleen ayaa qadar daqiiqado ah ka dib ayaa biriishka hargeisa dhagaxaan ku xidheen tageerayaal gaddoodsan oo ka socda urursiyaasadeedka xaqsoor iyo ummada iyagoo marka horaba aan ku qanacsanayn natiijadda ka soo baxday doorashooyinka golaha deegaanka taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac hadaba waxaan leeyahay shacbiga Somaliland khaas ahaan kuwa guddaha in la ilaasho nabadgalyada ururkii cabasho qabaana uu u maro waddada saxda ah ilayn dagaal will kuma dhashee wiilbaa ku dhinta Somaliland manta uma baahna dagaal waxaynu ka waayo aragnayba dagaalbaa jira haddii xqdaro jirto oo xaqdaro aad tirsanaysaan waa inaynu u marnaa waadada wanaagsan oo dalku maxkamaduu leeyahay oo aad u gudbisaan maxkamada gobolka oo xaqa maqan aad si sharci ah aad ku radisaa ilayn dalbaynu nahay dastuurleh nidaam leh .balkawaran shiciboow waa suaale? Maanta markaad dhagaxayso ciidankeena policeka ama milatariga ee aad wadooyinka xidho yaad waxyeeshay ?bal hareerahaaga eeg imisa cadow ah ayaa hareeraha ka xiga Somaliland oo ku farxaya arintaa dhacday balkawaran iyaguna maxaysamayn inagiibaa sidaas samaynaynee ilmaderayaal aan isku noqono oo dalka inagaa leh ee aynu nabadgalyadiisa ilaashano oo caddawga ka nixino nasteexana ka farxino ilmaderayaal maxaynu 1988kii ka dagalanay oo aynu dhiiga u qubnay oo dadkeeni ugu madhay dumar iyo caruur iyo ragba dadkenii mee hantideeni mee waxaynu shalay ka dagaalanay ee aynu gumaysihii wuxuu ilahay ogaa ina baday kula dagalamynay oo aynu naf iyo maalba u hurnay inaynu helno nabadaa manta aynu ku faanayno ee walaalaysay dhamaan beelaheenii Somaliland ilmaderayaal waxaa laynagu xantaa inaynu nahay dad gacmaha is haysta oo hadii qolo lagu khaldamo aynu isa saxno dhaxdeena oo aynu nahay dad is jecel oo ay saldhig u tahay nabadgalyo waar hadaba waxaynu tusaale u nahay oo ina daba socda dalalbadan oo Africa kamida sida dalka Somalia oo inagaga dayanaaya nabadgalyada iyo horumarka aynu gaadhnay hadaba waxaan leeyahay reer Somaliland gaar ahaan kuwa guddaha jooga dorashadani yay inaga galaafan nabadeena iyo hanaankeena dawladeed haddii wax khaladi jirana aynu u marno sifo wanaagsan inagoon gacanta ka hadal waxaan lahadlayaa dhalinyarada Somaliland khaas ahaan kuwa hargeisa ku sugan ilmaderayaal waxaynu nahay mustaqbalkii dalka kuwa dalka bari hogaaminayaa waa inaga yaan la inaga faa,iidaysan oynaan horkicin cid kasta oo ka soo horjeeda nabadgalyadeena imika uunbaynu maraynaa halka ugu wanaagsan ee aynu ilaashano nabada iyo horumarka dalka ururka manta hadhaa bari waa uu heli ka helaana bari waa uu waayi waxkasta oo kugu yimaada ku dhaaf dalkaaga adigoo eegaaya dantiisa iyo horumarkiisa waxaan leeyahay Somaliland guul waan ogahay inaad tihiin dad ulexojeclonaaya dalkooda jecelna nabadiina waxaad yara qadan kari waydaan uunbaa dhacay taasna way iska dhamaan ee aynu u samirno nabadeenana ilaashano ..
Wasalaamu calaykum…
By: gudoomiyaha dhalinyarada Somaliland Canada, Ottawa
Mr.: mohamed ahmed cige (Mohamed case)