Ha isa Saxaan Wariyayasha Baryahan Danbe Qoraya Wax Yaabaha aan ku Habooneen Anshaxa iyo Asluubta Saxaafada Guud ahaan.
Marka hore waxaan salaamaya Dhamaan Warbaahinta iyo shacbi- weynaha reer Somaliland meelkasta oo ay ka joogan dunida dacaladeeda.
Waxaan Maanta Qalinka u Qaatey in aan Qoraalkan idiin soo Gudbiyo ,Markii aan arkey dad badan oo Mareegaha iyo War Sidayasha ku Qoraya Qoraalo aan ku habooneen Anshaxa iyo Asluubta Saxaafada ,markaa waxaan isku dayaaya in aan wax ka idhahdo arintaasi.
Ummad waliba waxaay ku faantaa oo ay ku dhaqanta Diintooda iyo Dhagaankood ,Inagu hadaynu nahay Somali dad ahaan waxaaynu nahay dad Islama 100% Dhinaca kalena waxaaynu leenahay Dhaqaan fiican oo soo jireena. Ummada Islaamku waxaay kaga duwan yihiin Ummada kale Wanaaga ayeeynu isku Sheegna.
Ummada wanaagsani waa tii waxa xun iska reebta wax wanaagsana isku dhiiri galiya waxaa la hadlaya bahda saxafada oo aan u sheegaya in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato iyo xumaan Abuuraya oo dadka walalaha ah kala fogeynaya mar walba waa in aad dhanka wanagsan wax ka eegtan taasi ,oo u fiicaan noloshaada iyo akhiirada daba.
Waa in aad dhanka wanagsan aad dadka wax ka tustaan sida Nabada ,Cadaalada ,Ixtiramka dadnimo ,Iskaashiga, Walalnimada iyo wax wada Qabsiga Iwm
Sida Qoralkayga sare ku suntan waxaan la hadlayaa dadka caadeystey in ay caay iyo aflagaado isdaba joog ah ku haya madaxda iyo masuuliyiinta xukuumadu u igmatay Tv Qaranka Somaliland .
Waxaa jira dacayado been abuura oo lagu hayo dhalinyarada ka hawlgala TV-Qaranka Somaliland iyo maareeyaha cusub ee TV Qaranka ee Mudane Khadar Xasan Cali Gaas.
Waxaa kale Baryahan danba Mareegaha iyo War Sidayasha Somaliland ku arkeysa madaxdii Bahda Saxaafada Somaliland ee aad loogu hanka weyna oo iyagu isku muugda ,oo waliba si aan qurux badneen isku Aflagadeynaya oo qoralo aad u fool xun webka isku marinaya.waxaan ku talin lahaa in la joojiyo qoralka aan ku habooneen in la qoro.Waxaa jira qaar aan waxaay doonayaan iyo waxaay diidayanaba aan kala qaraneen oo qoraya been iyaga oo ku dhigaya war sugan ,warkaasi oo markaad dub u raacdid aan sal iyo raadtoona laheen,
Aniga oo qoralkeyga nuxurkiisa hoos ugu daadagaya waxaan u soo jeedin lahaa dhaman saxaafada somaliland iyo inta wax qortaba in ay ilaaliyaan ama ixtiramaan shuruucda saxaafadu ay leedahay,xeerkasna waxaa ka mid ah sida tan.
1-Waxaa Saxaafada ka xaaran ah oo aan ku jirin Anshaha Diinteena Suuban ee Islaamku ina Fareyso iyo Dhaqankeena Wanaagsan in Qof si cad oo qaawan loo Caayo
2-Waxaa ninka saxafiga ka xarana in uu been abuur sameeyo isaga oo dadkiisa ku kicinaya duruufaha jira markaa.
3-Waxaa ka mabnuuc ah in ninka saxafigii ku kaco Qabyaalad isaga oo dadkiisa kala raacaya ama nin jacleysi ku kacaya
4-Ninka suxufiga ah waa ka xarana in uu abuuro Colaad dadkiisu isku dilaan.
Maxaa looga Bahan yahay Warbahinta iyo Saxafada somaliland
1-Warbaahinta Qaranka Somaliland mid Shicib iyo mid xukumadeedba masuul ayeey ka wada yihiin ilaalinta, fidinta qadiyada iyo hore marinta danta dalka iyo dadkaba.
2-Saxaafada Qaranka Somaliland mid Shicib iyo mid xukumadeedba masuul ayeey ka wada yihiin ilaalinta Anshaxa Diinta iyo Dhaqanka.
3.- warbaahinta xorta ah waxaay kobcisa Bulshada .Dhaqankeeda Dhagaalaha Taariikhda iyo Himilada Siyaasadeed ee uu doonayo in uu dunida kula mucaamiloodo Dalkaasi.
4-Waxaa hubaal ah in warbaahinta qaran wal oo jira u tahay murayad laga dheehan karo ama laga akhrisankaro ummada jirta.
Hadaba waxaan mareeyaha cusub ee Tv-ga qaranka Somaliland
mudane khadar xasan cali gaas waxaan u soo jeedinayaa Talo Bixin Guud
Telefishanka Qaranku waa Murayada Dalka iyo Dadka laga Dheehdo una baahan in mar walba Telefeshinka qaranku ka tayo iyo aragtiba ka horeyo kuwa dadka gaarka ah iska leeyihiin
Dibidhaca ku yimid Wasaradda warfaafinta Somaliland siiba Tv-ga qaranka waa in aad sida ugu dhakhsaha badan loo xaliyaa, dhibaatada jirtaana waa mid inagu keeneysa sumcad xumo weyn dhamaanteen dal iyo dadnimo ahaanba
Waa in aad si dhaqso ah qorshe ugu dajisan Tv-ga oo xaga Farsamada, Tayeenta Barnamijyada iyo Tababarka Shaqaalaha, Barnamijyada ka baxa Tv-ga oo aad eegtan dhinac walba.
Haddii aan isku dayo oo aan si kooban uga hadlo dhaliilaha jira iyo Talo baxin waa sida hoos ku qoran.
1-Shaqaalaha dhinaca farsamada ayaan laheen khibrada ay ku hantaan shaqada loo baahan yahay sida Duubista Kamradaha(camera recoding),Habeenta (Editing) iyo walia qurxinta loo baahan yahay.
2- Barnamijyada ka baxa Tv-ga Qaranka oo aan laheen tayo badan.
3- Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta waaxaha oo la barbariyo.
4- Masuuliyiinta u xil saran iyo Shaqaalaha Tv-ga in ay fahmaan hawsha ay u hayaan qaranla Somaliland.
5- Barnamijyada in la Shaandheyo inta aaney ka bixin Tv-ga Qaranka.
6-wasarada warfafintu waa in ay soo diyaarisaa barnamijyo dadka lagu wacyi galinayo .
Isku soo wada duubo run ahaantii waa shaqo u baahan in laga wada howgalo dhamaanteen ,wixii talo aad ku soo kordhin kartaana mid laydinka baahan yahay ,waxaan hadalkeygii ku soo koobayaa Guul iyo Horumar ayaan idiin arageynayaa .
Wariye
Mohamed Saeed Muhumed