|

Guurtida Somaliland oo ka Doodaysa Xaalada dalka

Hargaysa 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Golaha Guurtidda Somaliland ayaa Ka doodaya Xaaladda uu dalku Marayo Kalfadhigii 54aad ee golaha Guurtidda oo manta si Rasmi ah uga Furmay Xarunta golaha Guurtidda Somaliland ayaa Lagu sheegay in Kalfadhigani Lagu Falaqayn doono xaaladda uu dalku Galay.

Gudida Joogtada ah ee GuurtidaKalfadhiga Maanta ee golaha Guurtidda Somaliland waxaa Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Golaha Guurtida Mudane Siciid jaamac Cali Timaweyne waxaanna uu sheegay in goluhu ka doodi doono Xaaladda dalku galay.

Mudanayaasha Golaha guurtidda oo manta La filayay inay kalfadhigooda kagaga hadlaan Xaaladda colaadeed ee deegaanka Bali diiriye Ayaan arrintaasi lagu soo hadal qaadin balse waxay ka mid noqon doontaa xaaladda u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed