|

Guurtida oo ansixisay xeer Muuse Biixi diidanaa mudo dheer

Hargeysa January 08, 2024 (QJ) -Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyay wax ka bedelka xeerka doorashooyinka isku sidkan ee ururada siyaasadda iyo madaxweynaha, fadhi ay yeesheen muddo dheer ka dib.

Golaha guurtidu waxa ay wax ka bedel ku sameeyeen xeerarkii doorashada ee uga yimi Wakiilada, iyaga oo soo bandhigay wax ka bedel dhinacyo badan leh. Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ayaa si weyn ugu ololeeyey in wax ka bedel lagu sameeyo xeerkan,iyaga oo u arkay in uu yahay mid muhiim u ah qabsoomida doorashooyin madaxtinimo oo hufan.

Waxa la rajaynaya in doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyada oo muddo dheer dib u dhac ku yimi ay ka qabsoomaan Somaliland dhamaadka sanadkan 2024-ka.

Comments are closed