Guriceel: Wafdi uu hor kacayo Jeneraal C/risaq Khaliif iyo Ahlu Sunnah oo guriceel tagay
Muqdisho 25.Aug 2013 (SDN) Wafdigan ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo uu wafdiga ku jiro Guddoomiyaha cusub ee gobolka galgaduud iyo xubno kale oo wafdiga ka mid ah ayaa maanta gaaray magaalada Guruceel halkaasi oo si aad ah loogu soo dhaweeyay.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in u jeedada socdaalkooda uu la xiriirto sidii loo hirgelin lahaa, loona fulin lahaa heshiiskii ay horey u wada gaareen dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Ahlu sunna Waljamaaca, isagoo intaa ku daray in ay la kulmi doonaan qaybaha bulshada ee degmadaasi ku dhaqan iyo saraakiisha ciidanka qalabka sida.
Jeneraal Cabdirisaaq ayaa xusay in ay socdaal ku soo kala bixin doonaan qaybaha uu ka koobanyahay gobolka Galgaduud, isagoo intaa ku daray in wafdiga ay qayb ka yihiin guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo kii hore, waxaana ay sii wadi doonaan kulamada ay la qaadanayaan saraakiisha culumaa’udiinka Ahlu sunna waljamaaca
Wafdigan oo uu qaybta ka yahay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale la filayaa in ay gaaraan magaalada dhuuso mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana tan iyo markii Cirfo loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolkaasi isa soo tarayay taageerada loo muujinayo iyo sida ay shacabka gobolkaasi ugu dhaqan diyaarka u yihiin inay soo dhaweeyaan guddoonka cusub ee gobolka.
Guri Ceel SDN.