Gulufkii Dagaal ee Guda Galka Magaalooyinka Somaliland oo ahaa Halkii uu ka jabay Taliskii Siyaad bare
Hargaysa 28.May (SDN) Qayb kale oo ka mid ah Xuska 25 Guurada ka soo Wareegtay Markii Xoogagii SNM dagaalka hubaysan ee naf hurka ah ku soo qaadeen Magaalooyinka Somaliland,Waana Halgankii la Magac baxay “Gudo Galka Magaalooyinka” Xiligu Waa 1988-Kii.
Laba aag ayaa Ciidamada SNM loo qaybiyay loona kala bixiyay Maka iyo Madiina,Aaga Maka oo dhinaca Hargaysa ah waxaa hogaaminayay Mujaahid Ibraahin C.laahi Xuseen Dhego weyne, Halka Aaga Madiina uu Horkacayay Mujaahid Axmed Mire Maxamed .
Qaybtii Hore waxaad ku Maqasheen intiinii dhagaysatay Sida uu ku bilaabmay Dagaalkii ka dhacay Magaalada Burco waxaanu Hadaba Qaybtan aynu ku Eegi doonaa Dagaaladii ka dhacay Magaalooyinka Cadaadley,iyo Mandheera,oo ay Ciidamadii SNM Galeen 28kii iyo 29kii May 1988kii ,waxaana ka qayb qaadanaya Mujaahidiinta kala ah Mujaahid Xasan Jaamac Cali “Xasan Dayax”,Mujaahid C.salaan Turki iyo Mujaahid Xildhibaan Axmed Wayso Cade .
Waxaana soo Tebinaya Weriye Khadar Maxamed Cakule.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Gudogalkii28.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com