Gufaacooyin Tabasho oo Madaxweyne Siilaanyo ay ku Qaabileen Duqayda Gobolka Salal iyo Madaxweynaha oo ka Garaabay
Hargaysa 12.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayay oo Socdaal Hawleed ku Maraya Deegaanada Xeebta Galbeed ee Somaliland ayaa Maanta meel fagaare ah kala hadlay Shacabka ku dhaqan Magaalada Saylac, Halka ay sidoo kale Kormeer ku sii Mareen Degmooyinka Lughaya iyo Bulaxaar.
Weftiga Madaxweynaha ayaa markaas kadib u kicitimay dhinaca Gobolka Saaxil,Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed maxamud Siilaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa duhurnimadii maanta waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Dekedda ah ee Lughaya.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa intii aanay soo gaadhin gudaha magaaladaasi waxaa ka hor yimid kumanaan ruux oo dadweynaha deegaankaasi, kuwaasoo ruxayey caleemo qoyan iyo calanka JSL. Isla markaana ku qaylinayey kelmado ay ku Muujinayeen Sida ay ugu faraxsan yihiin Safarka Maddaxweynaha kuna soo Dhawaynayeen Nabada Somaliland Taala.
Madaxweynuhu waxa uu halkaa ku dhagax dhigay mashruuca dhismaha deked cusub oo magaaladaasi laga dhisi doono, isagoo madaxweynuhu meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha degmadaasi una ballanqaaday in ay xukuumaddu cid kasta oo ay kaashataba ay bilaabi doonto dhismaha dekeddaasi, xukuumad ahaana ay wax kasta oo awoodooda ah la qaban doonaan dadweynaha degmadaasi.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu dhegaystay warbixinihii ay qaybaha bulshadu ka siiyeen xaaladda nololeed iyo ta dadweyne ee magaaladaasi, iyagoo waxgaradkii halkaa ka hadlay ay ballanqaadeen inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan dhismaha dekeda uu Madaxweynuhu dhigay dhagaxeedii u horeeyey ee laga yagleeli lahaa.
dhankiisana madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey dadweynaha degmada Lughaya qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftigiisa.
Geesta kale Weftiga Madaxweyne Siilaanyo Waxay Lugta Kormeerkooda ku sii Mareen Degmada Bula Xaar iyagoo u Kuurgalay Xaalada nolosha iyo Nabadgalyada.
Bula Xaar SDN.
Qurbejoog.com