Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Sanaag oo kulan la qaatay Maamulada iyo Macalimiinta Gobolkaas
Hargaysa 24.Jan.(SDN) Gudoomiyaha Wasaarada Waxbarashada ee Gobolka Sanaag Aniis Saalax Xaaji Xasan iyo Madax kale oo Wehelisa ayaa kulan balaadhan la yeeshay Xarunta Waxbarashada ee Gobolkaasi Maamulada Dugsiyada Waxbarashada ee Ceerigaabo.
Kulankan oo salka ku hayay dardar gelinta hawlaha waxbarasho ee Gobolka Sanaag Waxaa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Sanaag Aniis Saalax Xaaji Xasan waxaanu Maamulayaasha iyo Macallimiintaba dareensiiyay Mas’uuliyada ka saaran kor u qaadista hawlaha waxbarasho ee Gobolka Sanaag .
Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray inay Samayn doonaan Kormeero Joogto ah,kaas oo nuxurkiisu yahay inay u kuurgalaan goobaha Waxbarasho ee Gobolka Sanaag,Isla markaana ay ka bilaabi doonaan Sabtida inagu soo foolka leh.
Waxaa kale oo kulankaas ka hadlay Qaar ka mid ah Maamulayaasha iyo Macalimiinta wax ka dhiga dugsiyadaas,oo ka waramay hawlahooda Shaqo iyo baahiyaha dugsiyada ay mas’uulka ka yihiin.
Hargaysa SDN.