|

Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Sanaag oo Kormeer ku soo maray Dugsiyada Waxbarasho ee Gobolkaas.

Ceerigaabo 3.Feb( SDN)  Guddoomiyaha W/waxbarashada & Tacliinta Sare G/Sanag Aniis Saalax Xaaji Xasan oo ay weheliyaan mas’uuliyiin katirsan wasaaraddiisan iyo hay’adda waddaniga ah ee Candlelight ayaa kaddib fasaxa dugsiyada oo waqtigan lagasoo laabtay awgeed korkeer ku saabsan dar-dargelinta iyo u kuurgelista habsami u socodka hawlaha waxbarashada wuxu kusoo maray 11 goobood oo ka mid ah goobaha miyiga ee ay ka jiraan dugsiyada H/Dhexe ee gobolka Sanaag.

Kormeerkan oo qaatay hal maalin islamarkaasna qayb ka ah kormeeroo noocan oo kale ah oo wasaraddani ka fulinayo dhammaan dugsiyada ka jira degaannada gobolka Sanaag ayaa goobaha dugsiyada mas’uuliyiintani ku tageen waxay kala yihiin Xabow, Kulmiye, Midhisho, Buq-Xaylehe, Mirxiddo, cadduura-bixin, Dabablehe, Birxamar, Qaarar, Dhoob iyo Ilkaneeco oo dhammaantood ka tirsan bariga sanaag.

Waxana guddoomiyahan waxbarashada gobolka sanaag si goonni-goonni ah goob kastaba ugu dhabba galay xaaladda waxbarashada ee dhinacyada ardaydan, agabka, tayada, heerkooda aqooneed iyo joogtada ee macallimiinta , iyo weliba isku xidhnaanta iyo is-garabsiga ka dhexeeya waayeellada ama guddiyada goobahan iyo macallimiintooda.

Waxa kaloo guddoomiyahani ku wacyi geliyey bulshooyinka iyo macallimiinta dugsiyadan uu soo kormeeray in ay ka faa’iidaystaan siyaasadda xukuumadda Somaliland ee dhinaca waxbarashada oo uu sheegay in xukuumaddu xil iska saartay sidii baahiyaadka dhinacyada waxbarashada ardaydooda looga haqab tiri lahaa, macallimiintoodana looga dhigi lahaa kuwo qaata mushahar ku laban-laabmaya kii ay qaadan jireen xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale, sidaasi awgeedna aan wasaaraddu oggolayn in guud ahaanba ardayda dugsiyada waxbarashada lagaga qaado wax lacag ah, balse wixii baahiyaad ah ee ka baxsan arrimahaas sidii ay u daboolan lahaayeen ay u xilsaaran yihiin guddiyada waxbarashada iyo waalidiinta degaannadaasi.

Wuxu sidoo kale guddoomiyahan waxbarashada gobolka Sanaag goobaha qaarkood oo baahiyaadka dayactirka iyo dhismaha dugsiyadoodu ka jiraan ugu balllan qaaday in ay wasaarad ahaan si weyn isaga xilsaarayan sidii iyagoo kaashanaya hay’adaha ku shaqada leh samafalka ay u dabooli lahayeen.

Wuxu sidoo kale guddoomiyahani hay’adda waddaniga ah ee Candlelight oo fulisey iyo hay’adaha unicef & Seft the children oo maalgeliyey uga mahad naqay dhismayaasha iyo gacan kuhaynta dugsiyada meelo degaannadaas ka mid ah.

Ceerigaabo SDN.

Comments are closed